read more »">
Calendar

Faroole:- Dastuurka taabashadiisa, kala go’ ayaa ka dhalan kara

Isagoo ka hadlayay magalada Boosaaso ayuu madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdi Raxmaan Faroole waxa uu sheegay in hadi la taabto dastuurka federalka ay ka dhalan karto kala go’o.

Faroole waxa u xusay in madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay markii uu khudbada ka horjeedinayay xiritaankii baarlamaanka inuu sheegay in dastuurka u baahan yahay in la badalo.

Hadalkaan waxa uu ka sheegay iyadoo la xusayay sanad guuradii 4-aad ee markii xilka madaxtinimada loo dhiibey, taas oo waqti korarsi uu ku sameystey.

“Maalintii la xirayay baarlamaanka waxaan maqlay madaxweynaha oo afkiisa ka oranaya dastuurkan lagu dhaqmi karo, waxaana isbedel ku sameynaya xukuumadda iyo baarlamaanka, hadalkaas waa mid aan aad uga xumahay in aan maqlo, waxaana leeyahay yaan dalka dib loo celin, yaan isku dhac dambe la sameyn, sida la idinku doortay loona ansixiyay dastuurka waa in lagu dhaqmo,” Faroole ayaa sidas u sheegay dadkii xafladiisa kasoo qeyb galay.

Cabdi Raxmaan Faroole waxa uu ka hadlay dhismaha maamul goboleedyada uu sheegay in dowlada ay tahay iney ka dayso carqalada ay ku hayso dhismayaasha maamul goboleedyada gaar ahaan midka loo dhisayo Jubba Land.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: