Calendar

Hooyo Ubax Mohamed Abdulle oo dhashay Wiil Rabbi ka badbaadiyey Diyaarada oo loo qaadayo wilkeeda

Hooyo Ubax Mohamed Abdulle oo
dhashay Wiil dhawaan uu Rabbi ka
badbaadiyey Diyaarad isaga kala
gooshaysay magaallooyin ku yaalla
dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa
inay dib ula midowdo wiilkeeda iyo
carruur kale oo ay dhashay,
kuwaasi oo haatan aabahooda kula
nool Gobalka Kaliforniya ee dalka
Maraykanka.
Ubax Mohamed Abdulle oo haatan
ku nool Xeradda Qaxootiga ee
Sheed-dheer ee dalka Ethiopia
ayaa sas ka qaaday markii ay
Warbaahinta Caalamka ka
maqashay khatarta uu galay
Wiilkeeda Yaxye C/llaahi oo 15-jir
ah, kaasi oo hoos galay mid ka
mid ah Taayaradda Diyaarad
duullimaadkeedu ahaa
magaalladda Hawaay ee dalka
Maraykanka.
Waxa uu sheegay inuu u
malaynayey inay Diyaaradda tegi
doonto dalka Somalia, si uu u soo
arko hooyadiisa oo loo sheegay
inay ku nooshahay Somalia.
Ubax Mohamed Abdulle oo 33-jir
ah ayaa ka codsatay Dowladda
Ethiopia iyo QM inay gacan ku
siiyaan sidii ay u tegi lahayd dalka
Maraykanka , isla markaana ula
midoobi lahayd Carruurteeda.
C/risaaq Cabaas Cumar oo ah
Sarkaalka dhinaca Sharciga ee
Hay’adda Qaxootiga (UNHCR) ugu
qaabilsan Xeradda Qaxooitiga ee
Sheed-dheer ee dalka Ethiopia
ayaa sheegay inay Ubax Mohamed
Abdulle ku guuleysatay Wareysigii
Kowaad ee Hay’adda UNHCR la
yeelatay.
Waxa uu intaasi ku daray haddii ay
Ubax Mohamed Abdulle ku
guuleysato Wareysiga Labaad inay
nasiib u yeelan doonto in dalka
Maraykanka qaxootinimo ahaan
loogu qaado wax yar hal sanno.

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: