Calendar

caasimada puntland oo lagu qabtey kulan looga hadlayo tahriibka

Kulan wacyigelin ah oo looga hadlayay haliska tahriibka oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Kulanka ayaa loo qabtay qaar ka tirsan dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Garoowe.

Cumar Maxamed Axmed oo ka tirsan hay’adda IOM ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo dadaallada dadka looga wacyigelinayo tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

Kulankan wacyigelinta ah ayaa ku soo beegmaya xilli ay deegaannada Puntland ka tahriibaan dhallinyaro fara badan oo naftooda halis ku galinaya badda si ay u tagaan wadamada  hormaray

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: