Hotel ku yala Muqdisho oo Xalay la qarxiyay.

Posted on Nov 10 2010 - 9:13am by News Desk
Tweet
Pin It

xamar wBartamaha (Muqdisho):- Hotelka Madiina Degmada Xamar-jajab Ee Magaalada Muqdisho ayaa Xalay lagu weeraray Bam nuuca gacanta laga tuuro kaasi oo qasaara sababay.

Kooxo aan la garan ayaa Xalay Bam Gacmeed ku weeraray Hotelka Madiina ee Degmada Xamar-jajab kaasi oo ay daganyihiin Xildhibaano Baarlamanka ka mida iyo Saraakiil sare oo Dowlada ah.

Bam Gacmeedka ayaa sababay qasaara gaaray Ilaalada Hotelka iyo Qof masuul ah oo aan la shaacin magaciisa balse Dowlada KMG ah xubin sare ka ah kaasi oo dhaawiciisa laga qaaday Hotelka.

Bam gacmeedka ayaa ku dhacay albaabka Hotelka waxaana qasaara uu gaaray laba qof oo ilaalada Hotelka ka mid ahayd iyo nin masuul ah oo xiligaasi ku sugnaa goobta Bamka uu ku qarxay.

Dhawaqa rasaas culus ayaa laga maqlay aaga uu qaraxa ka dhacay ee Hotelka Madiina waxaana sidoo kale la maqalayay gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah oo dhaawaca goobta ka qaadayay oo bixinayay astaanta gurmadka.

Wax war ah kama soo bixin masuuliyiinta Hotelka Bamka lala beegsaday wallow Maamulka Degmada Xamar-jajab ay sheegeen in ay dad u qabteen masuuliyada qaraxii Xalay ka dhacay Hotelka Madiina Ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].