Calendar

HURT LOCKER : Filinka aan Idiin Doornay (VIDEO)

hurt lockerBartamaha — Dhamaan dadweynaheena xiiseeya filimaanta waxaan idinla jeclaysanay inaan idiin sheegno filin aan aad uga helnay, Filinkan magaciisa waxaa la yiraahdaa Hurt Locker waxaa jiheeyay Katherine Bigelow waxaana jilaya Jeremy Renner oo si hagaagsan u jilay filinkan.

Filinku wuxuu ku saabsan yahay nin walxaha qarxa joojiya oo kala furfura intaysan qarxin, wuxuuna filinku ka hadlayaa dhibaatada dagaalka, waxaana filinkan lagu duubay Ciraaq.

Midda ugu horeysa oo aan filinkan uga yaabay waxaa weeye marka ugu horeysa oo aad aragto filinka bilowgiisa waxaa ku jira aktar caan ah (idiin sheegi maayo magaciisa) oo walxaha qarxa kala furfuraya oo nasiib darro ku dhimanayaa, anigoo la yaaban oo is dhahaya waa tan ninkii caanka ahaa la dilay bilowga filinkee yaa badali kara, laakiin waxaa kala wareegaya oo aktarkan caanka ah ama kuwa la midka ahba bacaadka uga tagaya Jeremy Renner oo filinka ku jilaya nin aan waxba ka baqin oo ka dhib badan kuwa bamka sameeyay kana khasaara jecel qof kasta oo aad horay u aragtay.

Ereyada aan la yaabay (waa badan yihiin) waxaa ka mid ah marka uu arko aktarka filinka gaari 12 Bomb ay gadaal ka saaran yihiin ayuu dharkii ka celin lahaa qaraxa iska furayaa markaasaa askari ilaalinayay uu ku dhahayaa”maxaa samaynaysaa” markaasuu leeyahay “Jaakadani waxba iga celin mayso ee haddaan dhimanayo si raaxo leh ayaan rabaa inaan ku dhinto” markaasuu kulli jaakadda culus iska bixinayaa.

Daawo filinkan, mid isaga oo kale ah waayadaan masoo bixin. Waxaad ka heli kartaa filinkan meelaha lagu kireeyo DVD-yada aflaamta.

Qeybo kamid ah filinka:

Haddan dhimanayo aan si raaxo leh ku dhinto.

Taleefanka dhig!

Cellphone ayuu haystaa

Xayaysiinta filinka

Comments

comments

Category : Madadaalo | Entertainment.
« »

Comment: