read more »">
Calendar

Indha Cadde oo ka war bixiyay Ku biirida uu dowlada

tuug20indhacade

Shiikh Yuusuf Max’ed Siyaad  Indha Cadde ayaa Maanta ka war bixiyay Ku biirida uu dowlada ku biiray,waxaana uu ka hadlay arimo dhowr ah.

Shiikh Yuusuf Max’ed Siyaad Indha Cadde iyo Xubno ka mid ah ururka Xisbul islaam ee uu hogaamiyo Shiikh Cameey oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Indha Cadde waxaa uu sheegay in ay ku biireen dowlada kmg Soomaaliya kadib markii ay qaadatay Ku dhaqanka Sharecada islaamka.

Shiikha waxaa uu meesha ka saaray in aysan jirin Sabab ay uga soo hor jeestaan dowlada kmg mar hadii ay qaadatay ku dhaqanka Shareecada islaamka.

Waxaa uu sheegay Indha Cadde in ay u dagaalamayaan dowlada isla markaana ka difaacayaan waxa uu ugu yeeray kooxo Qasawadayaal ah sida uu hadalka u dhigay.

Shabelle: MUQDISHO

Sponsored Link | Watch New Somali Film

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Documentary Films, Featured, Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: