Calendar

Ururka Al shabaab oo la wareegay Gacan ku heynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe

Shabelle: JOWHAR

SOMALIA-CONFLICTUrurka Al shabaab ayaa la wareegay Gacan ku heynta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe,waxaana dagaalo xoogana ay ka socdaan deegaanka Garsaale ee gobolkaasi.
 
Ciidmo ka tirsan ururka Al shabaab ayaa lagu arkayay iyagoo wata gaadiidka dagaalka gudaha degmada Jowhar gaar ahaan xarunta degmada iyo Saldhiga degmadaasi,waxaana dagaalo ka dhacay gudaha degmada ku geeriyooday 3-askari oo ka tirsan ciidamada Maxkamadaha islaamiga.
 
Illaa iyo hada si dhab ah looma oga halka uu ku danbeeyay maamulkii Maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe.
 
Dhanka kale dagaalo xoogan ayaa waxaa ay ka soconayaan deegaanka Garsaale oo qiyaastii 25-km kaga beegan dhanka Konfureed kaasi oo u dhexeeya ciidamada Maxkamadaha iyo ururka Al Shabaab. 
 
Dagaalkani ayaa waxaa la rumeysan yahay in uu qeyb ka yahay dagaalo dhawaantani ka socday gudaha gobolada Galgduud iyo Hiiraan isla markaan uu yahay mid dhawaan uu saadaliyay maamulka gobolka Sh/dhexe.
 
Weli si dhab ah looma oga qasaraha dagaalkaasi uu geystay mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe oo ku aadan dagaaladaasi.
 

Comments

comments

About Staff Writer

Bartamaha Staff Writer - Location: Columbus, Ohio
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: