Calendar

Kenya oo shaaca ka qaaday Ragii Al Shababka ahaa ee weeraray

lamu bWarsidaha caanka ah ee lagu magacaabo The Standard oo dalka Kenya kasoo baxa ayaa qoray magacyada xubno ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo dawlada Kenya ay sheegtay inay hogaaminayeen kooxdii weerartay degaano ku yaala jaziiradda Lamu oo ku taala xeebta waqooyi ee Kenya.

Bartan oo tixraacaysa  xog uu ka helay hay’add sirdoonka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo NIS ayaa waxaa lagu sheegay in koox ka tirsan Al-Shabab oo waayahaan weerar ku hayay dalka Kenya inuu hogaaminayo nin magaciisa lagu sheegay Idiris Kimau oo kasoo jeeda qabiilkaq Kikuuyada hase ahaatee Al-Shabab ka mid ah iyo sargaal hore oo ka tirsanaa ciidamada Kenya lana yiraahdo Abu Jamaal.

Sida laga helay sirdoonka Kenya waxay sheegaysaa in ninka la yiraahdo Idiris Kimau iyo koox dagaalamayaal ah oo uu wato ay hadda ku dhuumaalaysanayaan dhul keyn ah oo la yiraahdo Boni halkaassoo dawlada Kenya ay aaminsan tahay inayba ka sameysteen xeryo tababaro lagu qaato.

Sidoo kale hay’adaha amaanka Kenya waxaa ay sheegeen sargaalka ka tirsanaa ciidamada Kenya ee ka goostay ee magaciisa la yiraahdo Abu Jamaal iyo koox kale oo uu wato ay hadda wadaan qorshayaal weeraro kale oo ay ku qaadaan magaalooyin hoos taga magaalada labaad ee Kenya ugu weyn ee Mombasa halka kooxda uu wato Idiris Kimau ay iyana isku diyaarinayaan inay weeraraan magaalooyin ay ka mid yihiin Ijara, Garsen iyo Malindi oo iyana ka tirsan Lamu.

Hay’adda NIS  dhanka sirdoonka dawlada Kenya u qaabilsan waxay sheegeen in weerarada soo socda ee ay kooxdaan Al-Shabab ka tirsan ay u qorsheeyeen inay ka qeyb qaataan illaa iyo 150 dagaalame oo Sadex qeybood loo qeybiyay sida uu qorayo wargeyska aanu warkaan kasoo xiganay ee The Standard.

Xogtaan oo gacanta loo galiyay booliska Kenya ayaa dadka dega degaanadaas waxaa dhanka kale loogu baaqay inay feejignaan muujiyaan dawladuna u diyaar garowdo

Koooxda Al-Shabab weeraro ay ku qaadeen dalka Kenya gaar ahaan jaaziiradda Lamu tan iyo bishii hore waxay ku dileen 87 ruux oo Kenyan ahaa.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Latest Somali News.
« »

Comment: