Calendar

Kooxo hubeysan oo xalay weeraray Saldhiga Booliska ee Degmada Hiliwaa

BARTAMAHAKooxo hubaysan ayaa ayaa habeenkii xalay waxaa ay weerar hubaysan ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Boliiska Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir,

Warar aan ka helnay degmada heliwaa ayaa sheegayya in kooxda weerarka ku qaaday ay ku hubaysnaayeen hubka nuucyadiisa kala duwan  kan fudud iyo kuwa garbaha laga gano ee garneelada, iska hor imaad xoogan ayaana dhex marara ciidankii saldhiga ku suganaa iyo kooxdii weerarka ku sooq aaday.

Goobjooge ku sugan degmada heliwaa ayaa waxaa uu inoo sheegay in inuu jiro Khasaaro labada dhinac kala gaaray walaow aan hadda la shaacin hadana waxaa la Tilmaamayaa in halkaasi ay kusii qulqulayaan Ciidamada Dowlada oo aad u fara badan

Saraakiisha cdiidanka Saldhiga la weeraray iyo Maamulka Degmada heliwaa ayaan weli ka hadlin Weerarada xoogan ee lagu qaaday, in kasta oo ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda ay howlgalo dad lagu soo qabaqabtay agagaaraha saldhiga.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: