Laacibka reer Portugees Cristiano Ronaldo oo lix sano u sixiixay kooxda Real Madrid

Posted on Jul 6 2009 - 7:51pm by News Desk
Tweet
Pin It

CRWaxaa maanta oo jimca ah bisha juuna ay tahay 26, 2009 meesha kabaxay ku diri kuteentii kusaabsanayd mustaqbalka laacibka wayn ee reer portugees una ciyaarijiray kooxda Mancherter United kadib markii uu lix sano u saxiixay naadiga real madrid. Ronaldo oo ah wiil da’ yar noqdayna xidiga aduunka sanadkii 2008 ayaa baryihii dambe laysla dhexmarayay in uu ka tagayo Old trafell oo ah halka uu ku soo caanbaxay.

Wuxuuna sanadkii 2008 dhaliyay 42 gool wuxuuna sidoo kale hantay Championka Europe iyo Premeir league England. Ronaldo waxuu Real Madrid ku biiri doonaa lixda july waxuuna noqondoo ciyaar yahankii ugu qaali sanaa ee abid lakala iibsado waxaan lagu soo iibsaday aduun dhan 80 million Euro ah (105 dollar).

Real madrid ma’ah laacibkii koobaad ee ay sanadkaan soo iibsato waxay sidoo kale gacanta ku soo dhigtay xidiga caanka ah ee reer brazil Kaka oo asna lagu soo iibshay lacag dhan 59 million oo euro ah.

Real Madrid waxay hada jabisay recordka kala iibsashada ciyaar yahanada markii ay soo gadatay 2000 Zinedine Zidane £46million iyo Luis Figo £37million.

W.Q/ Barqadle