Calendar

Maamulka gobalka nugaal iyo shacabka oo kawada hadlay sidii looga hortegi lahaa firxadka Al-shabaab (sawirro+Dhegaysi)

Garowe_ Magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay kullan ay isgu yimaadeen maamulka gobalka Nugaal, waxgaradka gobalka iyo qaybaha bulshada ee magaalada, waxaana loogu gorfeeyay sidii la isga kaashan lahaa sugida amniga.

Kullanka oo diirada lagu saaray ilaalinta nabadgelayada ayaa hadana sigaara waxaa looguso hadal qaaday sidii looga hortegi lahaa firxadka kooxda Al-shabaab ee dagaalada ay kula jiraan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaliya.

Guddomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab, oo shir guddominayay kullanka ayaa kaqayb galayasha ubidhaamiyey muhiimada ay ku fadhido in si isku mid ah looga wada shaqeeyo amniga.

Guddomiyaha ayaa usoo jeediyay cuqaasha iyo dadkii kale ee kaqaybgalay kullanka inay dowlada gacan kasiiyaan sidii loo wajihi lahaa tallaabo kasta oo looga hortegayo radadka kooxda Al-shabaab ay ku yeelan karto gobalka.

Guddomiye Qarjab waxa uu ku dhiiri geliyay kaqayb galayasha shirka in laga feejignaado khatarta Al-shabaab, waxaana uu kula dar daarmay in si dhow ay shacabku ula socdaan gaadiidka soo gala magalada, dadka kusoo siyaada iyo waxkasta oo lidi ku noqonkara amniga gobalka.

Dhinacooda qaar kamid ah waxgaradkii kahadlay kullanka ayaa usoo jeediyay maamulka talloyin ku aadan habka loo sugi karo amniga, waxaana ay qaarkod soo jeediyeen in maamulka lagu baahiyo dhulka miyiga ah gaar ahaana deeganada ay ku noolyihiin xoolo dhaqatadu iyo beeralaydu.

Puntland ayaa feejignaan kaga jirta khatar kaga imaan karta Al-shbaab maadama deegano dhowra oo ay kaga sugnaayeen bartamaha, iyo koonfurta Soomaliya ay gacantooda ka baxday.

Hoos ka dhegayso codka guddomiyaha gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.


DSCN9810 DSCN97922 DSCN97942 DSCN97961 DSCN98002

Bartamah.com

 

 

 

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: