Calendar

Maamulka Gobolka Banaadir oo Maanta Muqdisho ku yeeshay Kulan ammaanka looga hadlayay.

3Bartamaha(Muqdisho):-Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir iyo gudoomiyaasha Degmooyinka ayaa maanta ka shiray ammaanka Gobolka Banaadir iyo sida wax looga qaban karo.

Masuuliyiinta sare Ee Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyayaasha 16-Degmo Ee Gobolka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay Kulan saacada qaatay kaasi oo ay kaga tashanayeen ammaanka guud ee Gobolka.

Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Ing.C/risaaq Nuune ayaa shaaca ka qaaday in ay ilaalinayaan ammaanka guud Ee Gobolka Banaadir oo dhawaan howlgalo nabadeed ay ka samaynayaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa wacad ku maray in uu dhanka dhaqaalaha ka saacidayo gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka si wax looga badalo ammaanka guud Ee Magaalada.

Kulanka maanta dhacay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee Maamulka Cusub ay kaga hadlaan ammaanka Magaalada Muqdisho iyo sidii loo soo hagaajin lahaa Magaalada Dowlada gacanteeda ka sii baxaysa.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: