Calendar

Dadka ku dhaqan gobolka J/hoose oo cabasho balaaran ka muujinaya Saameyn ay ku yeelatay biyaha badda oo sumeysan.

kismayo

bartamaha(kismayo)Bulshada ku dhaqan magaalada kismaayo ee xarunta Gobbalka jubbada hoose iyo dadka ku Nool jaziiradaha ku yaal waqooyiga magaalada kismaayo ayaa waxa ay cabasho balaaran ka muujinayeen cudurro aan la aqoon oo ay aaminsanyihin in ay ka qaadeen biyaha badda kuwaas oo ay sheegeen in ay sumaysanyihiin

Dadka ku ku nool xaafadaha ku dhowdhow xeebaaha waawayn ee Magaalada Kismaayo ayaa sida xaafada Calanley, Iskufilan iyo Bullo abliko ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in mudooyinkii ugu dambeeyay ay isbadal xoogan ay ka dareemeen saxanta iyo muuqaalka biyaha xeebaha magaalada kisamayo waxana ay taasi sabab oga dhigeen inay ciidamada ilaalada ka hayo xeebaha daka Somalia gaar ahaana ku sugan magalaada kismaayo ay biyo ku shubeen sun taasoo ay dadku sheegeen inay ka dhasheen cuduro sababay iany dad la xanuunsadaan.

Cabashada ugu balaaran waxaa muujinaya dhalinta yarta iyagu kubada cagta ku ciyaara xeebaha kala duwan ee magalada kismayo kuwaasoo ay dhalintu farta ku fiiqeen in dhibaatooyinka ka dhashay badda ay sabab u yihin ciidamada shisheeyee ee sida sharcidarada ah ku joogo xeebaha Somalia,ma ahan oo kaliya waxa cabshada mujinayo dhalin yarta waxaa kaloo arintaasi wal wal iyo walaac balaaran ka muujiyay waalidiinta iyo qaybah akla duwna ee bulshada ku dhaqan magalada kismaayo.

Hadal haynta ah in lasumeeyay biyaha badda magaalada kismaayo ayaa waxa laga daremayaa meelaha ay ddaku isgu yimaadan ma aay ku shaahjaan iyagoona dadku sheegay inay magalada ku arkeren wax ay san horay ugu arkin oo ay kamid yihiin cudarada hergabka iyo malaariyada oo wada socda waana taasi waxa ay dadka reer kismaayo ay aad ola yaabanyihiin.

sikastaba ha ahaatee cabashadan ka soo yeereysa bulshada ku dhaqan gobolkani j/hoose ayaa ku soo beegmeysa xilli kalluumeysata gobolkani J/hoose ay cabasho ballaaran ka muujiyeen maraakiib shisheeye oo ay sheegeen in ay ku suganyihiin xeebaha gobolkani j/hoose kuwaas oo ay sheegeen in ay dhibaato baaxad leh ku hayaan.

 

Wararka Xaqiida ah kala Soco www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: