Maamulka Ximan Xeeb oo caalamka ka codsaday in ay kala qeyb qaataan bad-baadinta Lamaanaha Ingiriiska.

Posted on Feb 16 2010 - 6:19pm by sayfudiin Abdalle
Tweet
Pin It

GetAttachment.aspxBartamaha (Nairobi):- Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka mid ah Maamullada ka jira koonfurta Dalka Soomaaliya ayaa ka hadleen Xaalada Lamaanayaasha u dhashay Dalka Ingiriiska ee ku jira Gacanta Kooxaha Burcad Badeeda Soomaaliya, isagoo xariga lammaanahaas ku timlmaamay mid xaqdarro ah, kaas oo ka soo horjeeda shareecada Islaamka, dhaqanka soo jireenka ah ee Soomaaliyeed iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqada Aaadanaha.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamad Cumar Hagafeey oo saxaafada la hadlay isagoo ku sugan Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa marka hore ugu baaqay kooxaha burcad Badeeda Soomaalida afduubka ku heysta Lamaanayaashaasi In ay si sharuud la’aan ah ku sii daayaan.

“Lammaanaha reer Ingiriis ee Paul Chandler iyo xaaskiiska Rachel Chandler waxay u xiran yihiin Burcad badeed Soomaaliyeed ee uma xirna qabiil gooni ah” ayuu yiri Maxamed Cumar oo intaas ku sii daray ” Burcadbadeedu waa mushkilo caalami ah oo ay wax ka qaban la’ayihiin aduunka dowladihii ugu awooda weynaa sida Mareykanka, France, England, China iyo kuwa kale oo badan”

Afhayeenka ayaa sidoo kale ugu baaqay Beesha Caalamka in ay kaalin ka geysato qaabkii loo sii dayn lahaa Lamaanayaashasi oo muddo badan ku jira Gacanta kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo ku heystaan Xeebaha Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.

Hadalkan ka soo baxay maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa ku soo beegmaya xili ay isa soo tarayaan baaqyada lagu dalbano in la sii daayo Lamaanayaasha u dhashay Dalka Ingiriiska oo Afduubka loogu heysto Xeebta Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska Bartamaha ee Nairobi-Kenya