read more »">
Calendar

Madax-weyne Xasan Sh.Maxamuud iyo Shariif Xasan Sh. Adan oo maanta Siyaabo kala duwan loogu soo dhaweeyay Garoonka Muqdisho:

Madax-waynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Muqdisho ayadoo daqiiqado kooban kadib ay soo gacaga dhigatay Diyaarad Siday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowladdii kumeel-gaarka aheyd Mudane Sharif xasan Sh.aadam oo mudo bilooyin ah kadib dib ugu soo laabtay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan sh.Maxamuud oo ku maqnaa shir looga hadlaye Amaanka Qaarada Africa islamarkaana ka dhacaye Magaalada Bahar-daar ee dalka Itoobiya halkaasi oo uu kajeediyay Khudbado dhanacyo fara-badan taabaneysa ayaa waxaa saxaafadda uga warbixisay Ra’isul-wasaare ku xigeenka ahna Wasiirada Arimaha- Dibada Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan ayadoona sheegtay in-shirka intiisa badan xooga lagu saaray dhibaatooyinka ka yimidaada xaga amaanka.

Fowziya Yuusuf  Xaaji Aadan ayaa dhanka kale tilmaamtay in shirkii labaad ee Tana Forum uu ka qeebgalay maxadaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Sh.Shariif Sh.Axmed islamarkaana halkaasi uu qudbad ka jeediyay waxaana ay intaasi ku dartay in shirka Tana Forum oo Gudoomiye u yahay Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria diiradana lagu saaray Arimaha amaanka ee ka taagan dalka Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa isna garoonka Muqdisho lagu soo dhaweeyay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif xasan Sh.aadan hadana ah Mudane ka tirsan Xildhibaanada Dowladda Fidraalka Soomaaliya

Shariif Xasan ayaa Bilooyinkii ugu danbeeyay dalka ka maqnaa asagoona kusugnaa wadamo ay kamid yihiin Kenya iyo Emaaraadka, Waxayna soolaabashadiisa ku soo aadaysaa Xilli ay Baarlamaanka Billaabeen laxisaabtanka Xukumada Soomaaliya .

Xildhibaanka ayaa waxaa Garoonka Kusoo dhaweeyay Xildhibaano,Saraakiil,Dadweyne kala duwan ayadoona Durbo magaalada laga dareemay Soo laabashada Shariif Xasan Magaalada Muqdisho.

Shariif xasan ayaa loo galbiyay Hoygiisii hore oo kasoo horjeeday xarunta madaxtooyada qaranka halkaasi oo lagu arkaye |Xildhibaano fara-badan oo kusii qul-qulayo is ay usoo salaamaan shariifka.

By: Staff– Muqdisho –Somalia www.bartamaha.com

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: