Calendar

Xaaladda Magaalada Gaalkacyo oo ah saakay mid kacsan:

Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda maamulka Galmudug ayaa saaka madaafiic isku weydaarsaday labada qeybood ee woqooyiga iyo Koonfurta magaaalada Gaalkacyo.

Duqeymahan ayaa bilowday markii Maleeshiyo beeleed hubeysan oo ka soo jeeda degaanada maamulka Galmudug ay madaafiic ku weerareen garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee woqooyiga magaaladaas oo uu gacanta ku hayo maamulka Puntland.

Madaafiic kale oo jawaab u ah kuwa hore ayaa ciidamada maamulka Puntland waxay ku rideen goobaha ay ku tuhmayeen in madaafiicda looga soo riday ee koonfurta magaalada magaalada Gaalkacyo.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xiisada ka taagan magaalada iyo madaafiicda la isweydaarsaday ay sababeen iney xirmaan socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee magaalada, iyadoo gebi ahaana aan saaka la furin suuqa ugu weyn ganacsiga ee ku yaala bartamaha magaaladaasi.

waxaana la dareemayaa xiisado colaadeed iyo xaalado kacsanaan ah sida wararku sheegayaan.

Maleeshiyada madaafiicda bilowday ayaa ka careysan dil shalay loo geystay  nin ka tirsan maamulka galmudug  oo lagu toogtay  garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Xiisad ka dhalatay dilkaas ayaa illaa shalay ka taagneyd labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo, taasoo saaka isku bedeshay gacan ka hadal iyadoo maleeshiyadan ka soo jeeda Galmudug ay hareeraha magaalada soo dhoobeen gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.

Xiliga saaka la duqeynayey garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa waxaa la sheegay iney garoonka ku sugneed diyaarad Qaad ka keentay magaalada Nairobi illaa haddana lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda la isweydaarsaday, mana jiro wax  waraa oo  ka soo baxay labada maamul oo ku saabsan duqeymahan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: