read more »">
Calendar

Madaxwaynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta Saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay banaanbaxyada ka socda magaalada Muqdisho.

 

carMadaxwaynaha ayaa  sheegay in dibad baxyada ka socda magaalada Muqdisho lagu bixiyo lacag badan sidaasi darteed loo baahanyahay in lacagahaasi lagu jiheeyo dhan kale oo ku wanaagsan ama  dadka dhibaateesan in la siiyo ayaa kher badan ayuu yiri madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Md Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in banaanbaxyadii ugu danbeeyay Ee ka dhacay magaalada Muqdisho ay geesteen khasaaro fara badan sidaasi darteedna aysan haboonayn in banaanbaxyadaasi la soo dhoweeyo ama ay sii socdaan.

Madaxwayne Shariif  sidoo kale waxa uu ka hadlay go’aanadii ka soo baxay shirkii Kampala waxa uuna ku tilmaamay in ay ahaayeen go,aano shacabka Soomaaliyed dan u ah.

Waxa uu sheegay in go’aanadaasi ay soo baxeen markii ay isfahmeen asaga iyo waliba gudoomiyaha baarlamaanka KMG Soomaaliya waxa uuna sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka uu ahaa markiisi hore nin gacan siiyay xiligii ansixinta xukuumada farmaajo  .

Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlaayey sheegay in shirkii ICG kadib uu Gudoomiyaha barlamaanku Sheegay in Barlamaanka iyo Xukuumadu ay wada shaqayn waayeen sidaa daraadeedna la go,aansaday  in Xukuumadda la badalo sidaa ayaana laysku raacay ayuu yiri sheekh Shariif ,Madaxweynaha dowlada KMG Ee soomaaliya.

khilaaf ka Xukuumadda iyo Barlamaanka ayaa waxa uu  bilaab may  Madxweynahu markii uu diiday koror siimadii Barlamaanka ay kororsadeen sedexdii sano madaxweynaha ayaa dib ugu celiyay barlamaanka wuxuuna sheegay iney arintaasi ay u cuntameyn beesha Caalamka .

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: