Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo lagu soo dhaweeyay Minnesota(VIDEO ,Photos )

Posted on Jan 25 2011 - 9:04am by News Desk
Tweet
Pin It

soo dhawayn3Bartamaha (Minnesota):- Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa gaaray Magaalada Minnesota halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno la socday ayaa waxa ay gaareen Minnesota halkaasi oo si weyn ay ugu soo dhaweeyen Soomaalida dagan dalkaasi Maraykanka oo munaasabad balaaran ugu sameeyay magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka Soomaalida ah ee ka soo jeeda dalka Ethiopia waxa uuna jeediyay Khudbad baraarijin iyo farxad la wadaagid u badnayd oo uu farta ugu fiiqay dadka wadada nabada.

Madaxweyne Abdi Maxamuud Cumar, ayaa waxa uu soo bandhigay qudbad ay ku jirto qiiro iyo shacuur, kana turjumeysey marxalada uu marayo wadanka iyo guud ahaan dhulka soomaalida dagantahay ee dalkaasi Ethiopia.

Dadka Munaaabada joogay ayaa wada watay dhammaan calanka deegaanka soomaalida iyo midka Ethiopia waxaana muuqaalka ahaa mid aad u bilic wanaagsan oo soomaalida dhan ay ku faraxsanaayeen soo dhawaynta masuulkaasi dowlada deegaanka soomaalida ethiopia ka madaxda ah.

Daawo Video:-



Sawirada Xaflada oo dhan halkan guri :-http://picasaweb.google.com/somalimedia/DDS?authkey=Gv1sRgCO2Ek-veofaQOQ#5565830161726994802