Aqoon isweydaarsi looga doodayay Qaladaadka Saxaafada oo ka dhacay Machadka Al-Cimra Nairobi(Daawo Sawirada)

Posted on Jan 25 2011 - 6:59am by News Desk
Tweet
Pin It

al6Bartamaha (Nairobi):- Aqoon Isweydaarsi saxaafadeed oo looga hadlayay qaladaadka saxaafada iyo sida lagu sixi karo ayaa lagu qabtay machadka Al Imra EX branch one Laba dhagax ee magaalada Nairobi.

Aqoon isweydaarsigani oo ay ka soo qeyb galeen wariyeyaal mudo dheer ku soo jiray mihnada saxaafada iyo kuwo hada ku cusub ayaa la isla qiray inay jiraan qaladaad ay qasho saxaafada afka Somaliga ku hadasha.

Qaladaadka laga dhawaajiyay ayaa waxaa ka mid ah .

* In meel looga dhaco qof ama hey,ad

* In mararka qaar la qoro warar aan xigasho lahayn.

* In la isticmaalo afsoomaali qaldan oo aan warka ku wanaagsanayn

* In khudbadaha munaasabadaha laga jeediyo la kala xusho ama lakala jeclaysto ayadoo aanan tayada hadalka la eegayn

* In qof aanan hadlin laga dhigo qof hadal muhiim ah jeediyay .

* In wararka laga hordhaco ayadoo aanan la hubinin

Sababaha keeni kara qaladaadkaas iyo kuwa kale ayay ka qeyb galayaashii aqoon isweydaarsigaasi ku sheegeen in ay ugu wacantahay arimaha soo socda.

* Aqoon daro heysata wariyeyaasha qaarkood oo haatan ku guda jira howsha saxaafada.

* Wariyeyaasha qaar oo aan dhex dhexaad ahayn .

* Maamulada goobaha warbaahinta oo mararka qaar tifaftire ka dhiga dad aan saxaafada ehel u ahayn.

* Masuuliyad daro, eex , iyo nin jeclaysi warbaahinta qaar ay ku dhaqanto.

* Iyo masuuliyada saxaafada oo la dhayalsado .

Wariyeyaashii ka qeyb galayay dood cilmiyeedkaas dhanka saxaafada ah ayaa waxay  ka dhawaajiyeen cida qaadaysa masuuliyada qaladaadka saxaafada .

Ugu horeyn masuuliyada waxaa qaadaya bey yiraahdeen fitaftiraha ayaga oo ku macneeyay in tifaftiraha uu leeyahay go,aanka kama danbeysta warka baxaya iyo kan aanan baxayn .

Masuuliyada labaadna waxaa yeelanaya ayay yiraahdeen wariyaha galay gafka ama qaladka saxaafada.

Saxafiyiintii ka qeyb qaadanayay dood cilmiyeedkan dhanka saxaafada ah ayaa ka kala socday warbaahinta qeybaheeda kala duwan waxaana ay ahaayeen saxafiyiintii horey oga qalin jabisay ama ka aflaxday machadka saxaafada ee Al Imra kuwaas oo mihnadooda saxaafadeed iminka ku guda jira ama ku shaqeysta .

Saxafiyiintii halkaas isugu timid ayaa sheegay in qaladaadka saxaafada kiisa yar iyo kiisa weynba looga hortagi karo in maamulka iyo tifaftirayaashu noqdaan dad aqoon sare u leh saxaafada ,mas,uuliyadina ka muuqato iyo in tababar dhanka saxaafada ah oo ku filan uu ay helaan wariyeyaasha shaqeeya kuwa cusubna la hubiyo aqoontooda.

Ugu danbeyntii dood cilmiyeedkii ay ka soo qeyb galeen qaar badan oo ka mid ah saxafiyiinta qurbo joogta ah ee Somaliyeed ee haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimada kenya ayaa waxaa uu ahaa midkii ugu horeeyay oo noociisa oo kale ah oo uu hirgalinteeda iska lahaa maamulka machadka saxaafada Al Imra oo uu ugu horeeyo Ustaad Maxamed Xuseen Cismaan New York

DAAWO SAWIRADA:-

al1

al2

al3

al5al8al6

al4