Calendar

Madaxweynaha J.F oo booqanayo Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ayaa ka ambabaxay wadanka isagoo kusii jeeda magalada Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa waxa wadanka Djabouti uga bilaabanayso booqasho uu ku bixinayo wadamada xuduuda la leh Soomaaliya oo ku jiraan Itoobiya iyo Kenya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi Xakiin Maxamud Fiqi ayaa ku wehliya safarka madaxweynaha iyo xubno ka tirsan baarlamaanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku-simaha madaxweynaha Maxamed Cusmaan Jawaari oo sii sogootiyey wafdiga madaxweynaha oo diyaarad rakaab ka raacay garoonka Aadan Cadde ayaa faahfaahin siiyay saxafada.

Jawaari ayaa sheegay in madaxweynaha uu safarkiisa ku aadayo wadamada dariska uu kala hadli doono xiriirka diblomasiyadeed oo ka dhexeya.

Dadka faaqido arimaha siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxweynaha uu kala hadli doono wadamada uu booqanayo uu si gaar ah uga wada hadli doonaan xaaladda goboladda Jubooyinka oo urur goboleedka IGAD gacanta si weyna kula jiro.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya kii labaad ee dalka uga baxo tan iyo markii bishii September ee sanadkaan lagu doortey Muqdisho, xilkane kala wareegay madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: