Calendar

Gudoomiyihii Ganacsatada Bakaaro oo la toogtey

Gudoomiyihii Ganacsatada suuqa Bakaaro Axmed Nuurre Ow Diini ayaa la toogtey isagoo jooga xafiiskiisa.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in gudaha ay usoo galeen xafiiskiisa oo ku yaalay suuqa bakaaraha, iyagoona uu la geeryooday madaxii ilaaladiisa.

Ragga dilka geystey ayaa ka baxsaday goobta ka hor inta ay meesha soo gaarin ciidamada amaanka dowlada oo durbadiiba bilaabay baaritaan.

Lama garanayo cidda ka danbeysay weerarka balse durbadiiba waxa jiro shakiyo lala xiriirinayo iney ka danbeyaan haradiga kooxda Al Shabaab ee jooga Muqdisho.

Horey ayaa Axmed Nuurre Ow Diini waxa uu uga badbaaday weeraro lagu soo qaaday, iyadoona horey miino lala damacsanaa in gaari uu saarnaa lagu qarxiyo uu ka badbaaday.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: