Calendar

Madaxweynaha oo lugu eedeyey shirqoolka weecinta hanti ay Soomaaliya leedahay (Warbixin)

 

Fadeexo Xasan Sheekh
Muqdisho (Bartamaha) Warbixin ka soo baxday kooxda Qaramada Midoobay uqaabilsan xayiraada xaga hubka ah ee saaran Soomaaliya iyo Eretria ayaa lugu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud,wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya,Fowsiyo iyo shirkad laga leeyahay dalka Marekanka inay shirqooleen weecinta hanti ay Soomaaliya leedahay.

Kooxda Qaramad Midoobay u xilsaaran dabagalka dalalka Soomaaliya iyo Eretria oo ka kooban siddeed xubnood ayaa shaaca ka qaaday natiijada warbixin ay ku sheegen in lugu kalsoonan karo,taaso laga helay golaha ammaanka Qaramada Midoobay iyo kooxda sida gaarka ah ugu xilsaaran dabagalka dalalka Soomaaliya iyo Eretria.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa dhankeeda soo dabacday document kakooban 37 bog oo copy ah,waxaana looga hadlaya lunsashada hanti ay lahayd dowladda Soomaaliya oo lugu sheegay in qab saddex geesod ah loo shir-qoolay.

‘Macluumadan waxaa lahelay waqti fog waxayna katurjimeesaa dhiig miirashada madaxda qaranka iyagoo dano qaas ah u eegaya ayna muujineeso meesha ugu yare ee shirqoolka si looweeciyo hantida qaranka ee bada ku daahsoon si qiyaano aan cadeen ah,..”ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxaa kalo lugu sheegay qoraalka ka soo baxay kooxda dabagalka Soomaaliya iyo Eretria,in inta badan hantida Soomaaliya ee bada ku daahsoon waa ay daahsaneed laga soo bilaabo 1991 xiligii colaada dowladii dhaxana meesha ay kabaxday iyo lacagta kaashka ah iyo dahabka intii lagu guda jiray 20 sano ee lasoo dhaafay sidoo kalle hantida dowlada Somalia ee carada shisheeye sidaa ayey ahayd.

Shir qolka hantida umadda Soomaaliya waxaa doorka ugu weyn ku lahayd sida warbixinta lugu sheegay shirkad laga leeyahay dalka Marekanka oo lugu magacaabo Shulman Rogers.

Xasan Sheekh_Fowziyo

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo kaashanaya xafiiskiisa ayaa qeyb ka ah dadka lugu sheegay warbixinta inay shirkadda Marekanka ah u fududeeyen hantida Soomaaliya,wasiirkii hore ee arrimaha dibadda haweenayda la yirahdo Fowsiyo Yuusuf Xaaji ayaa door ka qaadatay fudedeynta hantida la sheegay in la shir qoolay.

Waxaa la sheegay in haddii ay saxantahay natiijada warbixintan inay arrin murugo leh ku noqon doonto madaxweynaha Soomaaliya ,waxaana sidoo kale ay walaac ku noqoneysa deeq bixiyaasha shisheeye ee dowladda Soomaaliya balaayiinta ugu deeqa ee hanka kalahaa in ladhiso wadanka Soomaaliya oo muddo foodo kujiray ayaa warbixinta lagu yiri kooxdu ay soosaartay.

Dhinac-yada lugu eedeyey shirqoolka hantida Soomaaliyeed ayaa dhinacooda iska fogeeyey warbixinta ay soo saaren kooxda Qaramada Midoobay ka tirsan ee u xilsaran dabagalka Soomaaliya iyo Eretria,waxaana ka mid ah dadka iska fogeeyey eedan madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud.

Ninka ugu sareeya kooxda warbixinta soo sartay ee la yirahdo Jarat Chopra ayey ku eedeyen in baaritaankiisu uu shaki yahay islamarkaana warbixintiisu ay joogteeneeso cadeemo aan sal iyo raad lahayn.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo horay u ahayd wasiirka arrimaha dibada xillagana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa sheegtay inaysan warbixintu xaqiiqo ahayn.

.‘Kama faadiideenin ama hanta kama aanan helin shirkada Shulman Rogers ama qandaraas waxayna hadalkeeda kusii dartay ineysan cadaadis saarin Yassur Abrar,oo ahayd guddoomiyihii horre ee bankiga dhexe ee Soomaalia ,kaalinkeegu wuxuu ahaa in ladhiso muuqaalka iyo magaca Soomaaliya ,ma’ahayn shirqool iyo inaan sumcad dilo magaceega iyo magaca dowladeeda..’ ayey tiri Fowsiyo Xaaji oo kahadleesay eedeynta.

Xafiiska madaxweynaha ayaa yiri iyagoo eedeynta madaxweynaha loosoo jeediyay ee shirqoolka hantida Soomaaliyed kahadlayay”kama hadleeno eedeynta maxaa yeelay si shaacsan looma baahin”.

Ugu danbeyna, shirkadda Shulman Rogers ayaa ugu hortagtay warbixinta kooxda si aan caadi ahayn iyagoo warbixinta wali aaan arkin.

Jeremy Schulman oo ka tirsan shirkada Marekanka ah ee lagu eedeeyay hantida Soomaaliyed iney dhunsatay ayaa yiri”hantida guud ee Somalia ayaa ah mid aad loomaamulay shaqada aan qabanay marka loo eego” wuxuuna ku eedeeyay natiijada warbixintan ee kooxda ineysan runta katurjumeenin islamarkaana ninka layiraahdo Chopra uu yahay nin aan lasocon arimaha Soomaaliya kasocda.

Guddoomiyihii ka horeeyey Jarat Chopra oo lagu magacaabi jirey Bryden ayaa lagu eedeeyey, markii dambana xilka ku waayay in uu warbixinadiisa ka been sheegey, islamarkaasina ka lahaa dano siyaasadeed, waxaana hadda jirta in guddoomiyaha cusub uu ka mid ahaa dadkii markaasina gudiga kula jirey Bryden.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: