Calendar

Qoraaga Cabdiqaadir Oromo oo ku geeryoodey London

Oromo

London (Bartamaha) Magaalada London isbitaal ku yaalla waxaa xalay ku geeryoodey allaha u naxariste /qaadir Cismaan oo loo yiqiinnay Oromo oo ka mid ahaa qorayaasha Soomaliyeed ee qoraallada badan ka sameeyay colaadaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Waxaa la sheegay inuu qoraagu la xanuusana xanuun mudo hayey oo u ugu danbeyn ugu dhintay isbitaal ku yaalla London.

Mid kamid ah ehellada marxuumka ayaa u xaqiijiyey warbaahinta geerida Oromo, wuxuuna sheegay in maalmihii u dambeeyey uu hayey xanuun dhinaca beerka ah.

Cabdiqaadir Oromo oo ahaa qoraa caan ah ayaa qoray buugaag badan oo ka hadlayey taariikhda iyo marxaladihii ay Soomaaliya ay soo martay.

Buugaagta uu qoray waxaa kamid ah, Sababihii Burburka Soomaaliya, Sooyaalka Soomaaliya, Hadimda Gumeysiga iyo Ciirka Colaadda iyo burburkii Soomaaliya.

Allaha u naxariste Cabdiqaadir Oromo waxaa kalo uu lahaa buugaag iyagana uu si gaar ah uga hadlayo dadka Soomaaliyeed iyo dhibaatada dhexdooda taalla, waxaana ka mid ahaa; Ilmo Dahabo Tool-moon, Salaamullahaa Calal Xujaaj, Dhagax Kariye iyo Been Dhoobe, Toban Kunleey iyo kuwo kale.

C/qaadir Oromo intii ay dagaallada sokeeye socdeen dalka wuxuu qaybo ka mid ah noloshiisa ku qaatay Muqdisho, inkastoo uu deggenaa magaalada uu ku dhintay xalay ee London.

Bartamaha London

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : UK & Europe.
« »

Comment: