Calendar

Madaxweynaha Puntland oo kaqaybgalay fadhi aan caadi ahayn oo ay Baarlamanku ku yeesheen Garowe (Dhegayso)

Garowe_ Baarlamanka dowlada Puntland ayaa maanta fadhi ka yeeshay miisaniyada ay ku shaqaynayso dowladu sanadkaan 2014-ka taasi oo ay sooo gudbisay wasaarada Maaliyada dowlada Puntland.

Fadhi aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen Mudanaysha Baarlamanku ayaa waxaa kaqaybgalay madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), Wasiirka maaliyada, iyo xubno kale oo katirsan gollaha xukumada Puntland.

Cabdiweli Gaas ayaa xildhibaanada ka hor hadlay, waxaana uu cadeeyay in dowladisu wax dhaqaale ah kala wareegin dowladii ka horaysay, waxaana uu usoo jeediyay Baarlamanka inay ansixiyaan miisaniyada ay wasaaradu horkeentay si horay loogusii anba qaado hawlaha shaqo ee dowlada.

Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa dhankisa madasha ka sheegay inay jiraan baahiyo farabadan oo dhanka dhaqaalaha ah, waxaana uu intaasi raaciyay in wasaradisu ay doonayso inay haqabtirto baahiyaha dhaqaale ee dowlada.

Shirre Xaaji Faarax ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan Miisaniyada si ay wasaaradu ugu hawlagasho bilowga bisha afraad.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

1625-450x342 1726-450x342 1822-450x342 (1) 1822-450x342 2131-450x342 1334-450x342 1186-450x342 1185-450x342 1042-450x342 575-450x342

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: