Madaxweyne Shariif Sh.Axmed oo maanta ku dhawaaqay dagaal lagu afjarayo Islaamiyiinta Mucaaradka ka dib kulan uu la qaatay Culimada Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca (Daawo Sawirada)

Posted on Jun 4 2009 - 7:02pm by News Desk
Tweet
Pin It

madBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Fd soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal mudo kooban qaadanayo oo uu sheegay in lagu ciribtirayo kooxaha nadaba soomaaliya diidan ka dib kulan uu la qaatay Culimada Ahlu-Sunnah.

 

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo xubna ka mida wasiirada dowlada Fd soomaaliya ayaa maanta kulan qada ah la qaatay Culimada Ahlu-Sunnah kaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada dowlada Fd soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa waxa uu la kulmay culima caan ka ah dalka soomaaliya kuwaasi oo ku jira Culimada Suufiyada Soomaaliya iyadoo ay kulankaasi joogeen ilaa 100-ka mida xerta Culimada Ahlu-Sunna wal-Jamaaca qeybtooda haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Kulankii maanta ayaa waxaa dhanka Dowlada u joogay Madaxweyne Shariif iyo Wasiiro uu horkacayay wasiirka Maaliyada Shariif Xasan Sheekh Aadan iyadoo Culimada ugu saraysay ee kulanka joogtay ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin Celi,Sheekh Cali Xaaji Yuusuf, Sheekh Cali Maxmuud (Sh.Cali Dheere),Sheekh,Sheekh Xasan Sheekh Axmed Siyaar,Sheekh Muuse ,C/qaadir Soomow iyo culima kale.

 

Madaxweynaha ayaa kulanka ka dib waxa uu ku sheegay hadal uu u jeediyay Culimada Ahlu-Sunnha in uu uga baahanyahay in ay garab istaagaan si uu sheegay loo ceribtiro raga colaada ka wada dalka ee haatan keenaya kooxo ajaanib dinibya ka soo galay dalkooda.

 

Madaxweyne Shariif ayaa wacad ku maray in dalka soomaaliya ay ka saari doonaan dhammaan kooxaasi oo uu ku tilmaamay kuwa soo qaatay magaca diinta balse aan wax sal ah ku lahayn diinta islaamka isla markaasina ay caadaysteen dhiiga dadka islaamka ah in ay daadiyaan.

 

Shariif sh.Axmed ayaa ugu danbayntii waxa uu ka dalbaday culimadaasi in ay sii wadaan dagaalada ay ku difaacayaan dhaqamada soo jireenka ah iyo Diinta Islaamka si uu sheegay aanay kooxahaasi qaarkood Khawaarijta ah aanay u faagan lahayn Qabuuraha ay ku aasanyihiin culimada diinta laga soo gaaray sida uu madaxweynuhu sheegay.

 

Ugu danbayntii Culimadii maanta uu kulanka madaxtooyada kula qaaday ayaa waxa ay la galeen balan ku aadan in dalka ay ka difaacayaan kooxaha haatan dhibka iyo qaska ku wada iyadoo uu baycadaasi u qaaday dhanka culimada sheikh Cali Dheere oo ka mid ahaa raggii maanta kulanka madaxweynaha la yeeshay.

 kulanka

mad1

barta

bartam

mada

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia.

 

Â