Calendar

Mareekanka oo sheegay in dilka Abuu-mansuur Al-imriik ay sax noqon karto

Dowlada Maraykanka ayaa sheegaty in Wararka sheegay in laqaarijiyar Umar Shafik Xamami oo loo yaqaano AL-Mansuur Al-Amriki la dilay ay Macquultahay ayna tahay Warar la aaminikaro.

Dhanka kale Afhayeenka Waaxda Arimaha Dibada dalka Maraykanka Marie Harf ayaa yiri: “Maraykanka ayaa sheegatay in Marayknaku aanu hayn ilaa hada Warar xaqiiqa ah oo Xaqiijinaya Dhimashada AL-Mansuur AL-Amriki, ma cadaynkarno In AMriki uu dhintay iyo in uu Noolyahay”

Maalmihii danbe ayaa waxa soo baxayay Warar sheegaya in ALMansuur Al-Amriki oo u dhashay dalka Maraykanka iyo AL-Osama AL-Birdani oo asaga u dhashay dalka Ingiriiska lagu dilay Deegaan ka tirsan Gobalka Gedo ee dalka Soomaaliya, walow aabaha dhalay AL-Mansuur uu beeniyay in la dilay Wiilkiisa.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta.
« »

Comment: