Calendar

Maxkamada Ciidamada Puntland oo xukun ku riday Rag la sheegay inay katirsanayen Al-shabab

Garoowe_ Maxkamada ciidamada Qalabka Sida, ee Dowlada Puntland ayaa maanta lahorkeenay sideed nin oo ku eedaysnaa falal Argagixisinimo, gaar ahaana inay katirsanayen Al-shabaab.

Raga maanta laxukumay oo maxkamada ku sugnaa ayaa magacyadoodu lakala yiraahda.

1- C/fataax Dhuux Cali

2- Mukhtaar Xuseen Muumin

3- Aadan Xuseen Axmed

4- Axmed Maxamuud Muuse

5- Maxamed Cali Cabdi

6- Xuseen C/llaahi Maxamuud

7- Nuur Xasan Mursal

8- Shirre Sheekh Muuse.

Maxkamada ayaa ragani ku xukuntay mid 20- sano oo xarig ah, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee maxkmada ciidamada Qalabka sida C/kariin Xasan Ferdhiye, isagoona xusay in loo cuskaday xukunkoda xeerka Al-shabaab.

Raga la xukumay ayaa lagasoo qabtay meelo kala duwan, waxaana Saraakisha maxkamadu cadeeyeen in baaritaan dheer lagu sameeyay dambiyada lagusoo eedeeyay ayna ku cadatay kadib markii la helay markhaatiyo iyo cadaymo.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: