Calendar

Wafdi kasocda Puntland oo ka warbixiyay safar ay ku tageen Laasqoray

Laasqoray_ Wafdi katirsan dowlada Puntland oo maalintii shalay gaaray degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag ayaa kullamo laqatay qaybaha kala duwan ee bulshada kunool degmadasi.

Wafdiga oo ay kamid ahaayeen Wasiiru dowlaha wasaarada dekadaha iyo gaadidka Badda Puntland Axmed Siciid C/raxmaan, guddomiyaha gobalka Sanaag Maxamuud Ismaacil Ciyoon iyo Saraakil katirsan ciidamada Pl ayaa kawaramay ujeedka safarkooda.

Guddomiyaha gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon ayaa u sheegay warbaahinta in habeenkii xalay ay seexdeen magaalada, islamarkasna ay bulshada kala hadleen sidii ay dowlada ulashaqayn lahaayeen.

Wafdiga ayaa shacabka uballan qaaday inay dowladu wax qabad muuqda ka samayn doonto degmada, waxaana ay wafdigu ujihaysteen dhanka degmada Baran.

Safarka wafdigaan katirsan Puntland ay ku tageen Laasqoray ayaa ka dameeyay kadib markii maalintii shalay uu deegankasi soo gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaliland Axmed Siilaanyo.

Puntland ayaa socdaalka Siilaanyo ku sifaysay Daan-daansi lagu hayo xuduudaha Puntland, waxaana wasiirka u hadlay uu sheegay in Puntland iska difaaci doonto cidkasta oo soo faragelisa xududaha Pl.

www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: