Calendar

Midowga Africa oo go’aan ku gaaray kordhinta Ciidamada AMISOM ee jooga dalka Somaliya

Adis ababa–KNN–Golaha amaanka iyo nabad galyada Midowga Africa ayaa kulan ay ku yeesheen magaaladda Addis-Ababa waxaa ay ku go’aamiyeen in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga ayadoona sidoo kale la kordhinayo taageerada ay helaan ciidamada Soomaaliya ee AMISOM ka bar bar dagaalama.

War saxaafadeed kasoo baxay kulanka golaha amaanka iyo nabad galyada waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM la gaarsiin doono 23,966 oo askari kuwaasoo ka howl gali doona gobolada dalka.

Go’aanadii kasoo baxay shirkaas waxaa ka mid ahaa in la joogo waqtigii la xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab sababtoo ah waxay halis ku yihiin amaanka gobolka ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay shirka.

Sidoo kale goluhu waxaa uu isku raacay in la kordhiyo taageerada ay helaan ciidamada Soomaaliya 35% marka loo eego taageerada ay hadda helaan. Midawga Africa waxaa uu xusay inuu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab loogana shaqeeyo nabad galyada Soomaaliya.

Go’aankaan ayaa dhaqan gali doona marka uu meel mariyo golaha amaanka ee Q,M oo loo gudbiyay.

Ciidamada AMISOM oo Soomaaliya yimid sanadkii 2007 kana kala socda dawladaha Jabuuti, Uganda Burundi, Sierra Leone iyo Kenya ayaa hadda waxay tiradoodu gaaraysaa 17,700 oo askari waxaana ay gudaha Soomaaliya kula dagaalamaan Al-Shabab.

Sidoo kale ciidamada Ethiopia oo aan ka mid aheyn howlgalka AMISOM ayaa iyana Soomaaliya Al-Shabab kula dagaalama.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Latest Somali News.
« »

Comment: