Calendar

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SHACABKA UGU HAMBALYEEYAY MAALINTA CALANKA 12- OCTOBER

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta 12-Oktoobar oo ah maalintii calanka Soomaaliyeed cirka loo taagay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed usheegay in calanka Soomaaliya uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed kawada dhaxeeyo oo qiimo weyn leh, Soomaaliyana lagu tilmaamayo calankaasi.

12-Cotoobar 1954 ayeey aheyd markii calanka Soomaaliya ciida Soomaalida laga taago, oo loo bixiyay maalintaasi (Maalinta calanka)

Inkastoo xilligaasi calanka Soomaaliya uu lahaa qiimo weyn, ayaan hada muuqan qiimihii xilligaasi uu lahaa, maadaama Gobalada dalka Soomaaliya qaarkood aysan suuragal aheyn in laga taago oo laga diidayo calanka.

Soomaalida oo ahaan jirtay dad wadaniyad jaceyl ah oo isqiimeysa ayaa 20-sano oo qabiil iyo bur-bur ay ku jireen waxa ay noqdeen kuwa kaal fogaado oo ahmiyad aan qabiil aheyn aysan garawsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in astaamaha qaranimada ee Soomaalida ka dhaxeyso ay wanaagsan tahay in la dhowr oo shacabka Soomaaliyeed ay aqoonsadaan muhiimada calanka.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Wararka Maanta, World News.
« »

Comment: