read more »">
Calendar

Puntland oo ka digtey is-qabqabsi dowladda federalka dhex gala

Hadal kasoo baxay maamul goboleedka Puntland ayay kaga digeen is-qabqabsi ka dhex dhasho hay;adaha dowladda, iyadoo xildhibaano ay doonayaan iney ridaan xukuumadda ra’isal wasare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

“Dowlada Puntland, waxa ay si xoogan uga digeysaa dagaal siyaasadeedka soo cusboonaaday oo ka dhex jira hay;adaha dowladda” ayaa lagu yiri qoraalka. “Koox xildhibaano ah ayaa isku dayaya iney ka keenan mooshin ka dhan ah Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, oo dowladiisa ay xafiiska fadhido Todobo bilood oo kaliya”.

Puntland waxa ay sheegtey in aan xiligaan loo baahneen mooshin in laga keeno dowladda iyadoo la marayo xaalad adag oo dowladda ay howlo badan u yaalan.
“Isku daygaan waxa uu luminayaan waqti, hanti iyo howsha wada jirka ah ee Soomaalida iyo bulshada caalamka ay ku maal-galinayaan dib usoo celinta hay’adaha dowladda federalka Soomaaliya” ayaa qoraalka uu sii raaciyey.

“Dagaalka siyaasadda” ayay tiri Puntland waxa uu hoos ula dhacayaa awooda dowlada ee iney kasoo baxdo howlaha ay u yaalo oo iney bulshada Soomaalida u qabato ay tahay.

Waxa ay Puntland ku baaqday in dowlaadda ay kasoo dhalaasho howlaha ay kamidka yihiin “Dhaqaalo xumida ka jirto dalka, xalinta qodobadda dastuurka ee horyaala, soo celinta sharciga iyo kala danbeynta iyo iney taagerto sameynta maamuladda harsan ee federalka”.

Wallow ay xiligaan aysen jirin wax mooshin ka dhan xukuumadda oo horyaala baarlamaanka adane, wararka ka imaanaya Mogadishu ayaa sheegaya in Hotel-adda qaar ay jiraan hadal-heyn ku aadan xubno baarlamaanka oo diyaarinaya mooshin iney ka diyaariyaan ra’isal wasare Saacid.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: