Calendar

Wararkii ugu danbeyay: Rabshado ka jiro Burco

Banaanbaxyo rabshado wato ayaa ka dhacaya magalada Burco halkaas oo subaxnimadii saakay ay isku dhaceen dadka iska leh gaadiidyadda iska rogayaasha iyo darawaladda oo yimid xarunta dowladda hoose iyo ciidamo boolis ah oo goobta yimid.

Qof ayaa dhintey, mid kalane waa uu dhaawacmay markii ciidamada booliska ee sida gaarka u tababaren ee RRU-da ay yimaadeen xarunta dowladda hoose, halkaas oo xabado ay fureen, waxana halkaasi kasii xoogeystey rabshadaha.

Dad careysan oo dhalinyaro u badan ayaa bilaabay iney dhagaxaan ku tuuraan booliska oo ay xiraan wadooyin magaladda Burco dhex mara oo taayaro ay ku gubeen, waxana jiro qasarooyin kale oo ka dhashey banaanbaxyada oo ku jiraan hanti gaar loo leehyahay iyo kuwo guud oo la jajabiyey.

Milkilayaasha gawaarida iska rogayaasha iyo dawaraladooda ayaa kacareysnaa markii dowladda ay sheegtey inaan caradda laga qaadi karin inta u dhaxeyso labadda biriij-ka isla markaane dhowr gaari ay maamulka xareysteen.

Dhaawacyo kale ayaa la shegayaa iney jiraan oo ka dhashey banaanbaxyadda, iyadoona ay ciidamada ay ridayaan xabado, waxana hadda ay maamulka isku dayayaan iney amaanka dib loo soo celiyo oo ciidamo ayaa lagu arkayaa wadooyinka kuwaas oo dadka kala erinaya.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: