Calendar

Boolis Kenyan oo lagu diley xuduuda Soomaaliya

Sarkaal ka tirsanaa booliska dalka Kenya ayaa ladiley halka Afar kalane la dhaawacay markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen xarun booliska uu ku lahaa waqooyi-bari ee dalka Kenya magalada ku taala ee Mandera oo xuduud la leh wadanka Soomaaliya, sidaasna booliska ayaa laga soo xigtey.

“waxa dhacay weerar lagu diley askari naga tirsan, kuwo kalane lagu dhaawacay”ayuu sheegay Charlton Mureithi oo madax ka ah booliska gobolka.

Qof dalbaday inaan la xusin shaqsiyadiisa, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa u sheegay in xarunt booliska ee Mandera ay kooxo hubeysan soo weerareyn iyagoona xabado aan loo meel dayin furey.

“Waxa dhintey saaxiib aan wada shaqeynenay” ayaa yiri xog-bixiyaha oo ku darey in “Afar” kamid ahne ay dhaawacyo xoogan ay qabaan.

Cidna ma sheegan masuuliyadda weerarka oo habeenimadii Axadda soo galeysay dhacay.

Kenya waxa ka dhacayay weeraro bombaanoyin iyo xabado loo adeegsanayay tan iyo markii ciidamadeeda ay u dirtey Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Al Shabaab October, 2011-kii.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: