Calendar

Qadaafi “Waxaan dhimanayaa anigoo shahiid ah, meelna uma socdo” + Fikirka dadweynaha Liibiya(VIDEO)

0222-Muammar-Qaddafi_full_300Bartamaha — Madaxweynaha Liibiya Mucamar Qadaafi ayaa maanta bixiyay khudbad aad u dheer oo ku socota shacabka dalkiisa. Khudbaddan ayaa Qadaafi waxa uu kula hadlayay dadka mudaharaadyada ka wada Liibiya iyo dadweynaha isaga taabacsan.

Khudbaddan oo ahayd mid uu waxyaabo badan uga hadlay oo ay ka mid ahayd sida uu dalkiisa ugu soo halgamay iyo sida haatan loogu abaalguday, wuxu kale oo uu Nacaladeeyay dadka rabshadaha wada.

Qadaafi ayaa ka codsaday dadkiisa isaga iyo dalkaba jecel inay ka difaacaan dalka xoogaga shisheeye ee afuufaya dabka lagu baabi’inayo Liibiya wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyaan rabshadahan dalal badan wuxuuna sheegay in dhallinyarada dagaalamaysa ay qaateen maandooriyayaal.

Daawo iyadoo goos goos ah:

DAAWO KHUDBADDA:

Dadwenaha Liibiya ayaa iyaguna ka jawaabay khudbadda Madaxweyne Qadaafi:

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta and tagged , , .
« »

Comment: