Calendar

Gen.Qeybdiid “Nin dada qaday xumbo cuskay …adeer aniga wax ma qarxiyo in aan ammaanka qaranka ka shaqeeyo mooyee…”

qybdddidBartamaha(Muqdisho):-Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in qaraxii dhawaan dhacay ay ka danbeeyeen Kooxda Alshabaab.

Gen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyaha Ciidamada Booliiska oo Saxaafada la hadlayay ayaa sheegay in aanu isaga qarax ka danbeeyin islamarkaana aanay marnaba Dowlada raali ka ahayn xasuuqii Bulshada loo geystay Maalintii Khamiista.

Cabdi Qeybdiid ayaa muujiyay qatarta ay wadaan Islaamiyiinta Mucaaradka isagoo weeraray qaarka ay Bulshada ula dhaqmaan iyo ujeedada ka danbeysa Umada oo la laayo.

“Nin dada qaday xumbo cuskay …adeer aniga wax ma qarxiyo in aan ammaanka qaranka ka shaqeeyo mooyee …adeer ragan Shabaabka ah waa kuwa Umada laayay Saraakiishii ayay dileen,aqoonyahadii ayay madaxa jareen qaraxii dhacayna iyagaa abaabulay ee waxa ay diidayaan in ay Xasuuqaasi ay geysteen sheegtaan maadaama Sumcada ay dhulka tagtay…”ayuu yiri GenCabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa Balan qaaday in dadkaasi waxa ay umada u geysteen laga xisaabin doono isagoo sheegay in dhawaan ay soo gudbin doonaan baaritaan ku socda qaabkii qaraxa loo soo diyaariyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: