read more »">
Calendar

Dawlada Itoobiya oo sheegtay inay sii wadi doonto taageerida xasiloonida Soomaaliya

Qoraal ay soo saartay dawlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in dhawaantan kulan ku dhexmaray Addis ababa madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeday Brussels iyo wasiirka arrimaha dibada ee Itoobiya Tedros Adhanom looga hadlay sii xoojinta xiriirka adag ee labada dal.

Itoobiya ayaa markale ku celisay inay ka go’antahay taageerida xasiloonida Soomaaliya.

Waxaana lagu sheegay qoraalka in madaxweynaha Soomaaliya uu codsaday in xiriirka labada dal lasii ballaariyo oo laga wada shaqeeyo sidii la isugu xiri lahaa xiriirka ganacsi,kan dhisme iyo midka bulsho ee gobolka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii uu ku sii jeeday magaalada Brussels sii maray Addisababa oo uu kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya oo sii sagoontiyay wafdiga madaxweyne Xassan Sheekh.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: