Calendar

Safarkaygii Texas iyo Horumarka Amoud Foundation

Waxay aheyd Lixdii Aroornimo goortay diyaaradu ka caga-qaadatay gegida dayuuradaha ee Minyaabulis-Saan Bool, anigoo ku fool leh gobalka Texas, si aan uga qayb qaato xaflad uu qaban-qaabiyey ururka Camuud Foundation.

Hadafka ugu weyn ee xaflada loo qabtay waxay aheyd in la ururiyo lacag yabooh ah oo lagu hormariyo Soomaaliya. Gobalka Texas oo ka mid ah gobalada ugu qanisan dalka Maraykanka,
hase yeeshee, waxaa i fajac geliyey in aysan dadka Soomaalidu ku badneyn amaba aysan aad u deganeyn sida gobalka Minasoota ama Ohaayo. Waxaase, aan si cad u qeexayaa horumarka la taaban karo oo ay ku tallaabsadeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobalka Texas.

Intaa waxaa dheer weliba gobalka Texas iyo weliba magaalooyinka Dallas ilaa Irving oo aan isaga dhex gooshay, waa dhul qurux badan oo, dhirtiinna ay magooshay, maadaamada lagu jiro xilligii guga, Dhul cagaaran oo doog badan leh, guryo qurxoon, waxaadna iska dareemeysaa in aad joogto “Ameerikada dhabta ah”.

Markay diyaaradii i siday caga dhigatay magaalada Dallas, waxyaabihii ugu horeeyey ee farxad khaas ah igu abuuray waxay aheyd markaan gegida dayuuradaha ku arkay shirkada Taksiyada Ambasador, oo weliba lagu dheehay midab sida calanka Soomaalida. Wiilkii iigu yimid Ayriboodka markaan waydiiyey wuxuu ii sheegay In shirkadani tahay tan ugu wayn ee Taxkisyada ayna leeyihiin Soomaali.

Waxa kale oo Dallas ku soo arkay, Qiimaha iyo sharafta ay ku leeyihiin Soomaalida Degani. iyagoo muujinaya horumar ay Soomaalida ku nool Texas gaareen waxaa ka mid ah Rabil Good Dentistry oo ah dhakhtarka ilkaha ee u furan gabar Soomaaliyeed. Sidoo kale gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa ay iska leedahay Farmashiye lagu iibiyo dawooyinka.

Intaa waxaa dheer Soomaalida ku nool Dallas guud ahaan iyo magaalooyinka agagaarkeeda ah waxay si fir-fircooni leh uga qayb qaataan waxyaabaha ku lug leh bulshada iyo guud ahaan Muslimiinta, iyagoo qarkood madax ka ah ama Iimaam ka ha masjidada qaarkood.

Aan u soo laabto ujeedada maqaalkayga oo ah ururka Sama-falka ee Camuud Foundation sal-dhigiisuna yahay magaalada Irving kuna taala meel in yar ka baxsan magaalada Dallas. Waxaan halkaas kula kulmay Cigaal oo ah hoggaamiyaha Muslimiinta ku dhaqan gobalka. Ururka Camuud Foundation waxyaabaha la taaban ee uu qabtay waxaa ka mid ah dhismaha isbtaal weyn ee ku yaal Camuud ee gobalka Awdal, ayna ku baxday hal milyan oo doolar.

Camuud Foundation waxa kale ee uu ka shaqeeyaa, xarumana ku leeyahay gobalada ay ka mid yihin Mudug, Jubbada Hoose, Weli fari-kama qodnee ururka Camuud Foundation wuxuu qabtay
maalintay bishu aheyd 28kii Feberweri ee 2009 xaflad si habboon loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dad fara badan ee u badnaa Muslimiinta gobalka ku nool. Furitaankii xaflada ka dib waxay dadkii Muslimiinta u badnaa ay ku yabooheen lacag gaareysa ilaa $83 kun oo doolar. Sababta lacagtan loo ururshay waxay aheyd in Camuud Foundation uu ceelal ka qodi doono Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Ururka Camuud Foundation waa urur sama-fal oo runtii muteystay in ay ku daydaan ururada kale ee Soomaaliyeed una heellan in ay caawiyaan dadka Soomaaliyeed ku nool dalkeenii hooyo.

Halkaasna waxaa ay Camuud Foundation ku mutaysatay inaan ku tilmaano Urur fiican oo mutaystay in lagu caawiyo wixii karaankeena ah .

Halkan ka daawo Sawiradii aan ka soo qaadnay
Qeybta 1aad – Qeybta 2aad

Waxaa soo diyaariyay: Maxamuud Wiil-Waal

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Diaspora, Maqaallo / Articles.
« »

Comment: