Calendar

Saldhigyada Shabaab Muqdisho oo xalay la duqeeyay.

amisomBartamaha (Muqdisho):-Saldhigyada waaweyn ee Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa xalay lagu garaacday madaafiicdii ugu ba’nayd.

Duqeynta xalay ayaa waxaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday saldhigyada Kooxda Alshabaab sida Stadium Muqdisho,Xarunta Xizbiga Kacaanka,Suuqa Bakaaraha xaafado ka mida,Xerada Maslax iyo saldhigyo kale.

Madaafiicda PM-ka ayaa xalay saqdii dhexe illaa saak waabarigii hore laga maqlayay qeybo ka mida Muqdisho kuwaasi oo si gaar ah loogu garaacayay saldhigyada Kooxdaasi.

Dadka dagan hareeraha suuqa Bakaaraha ayaa xalay ka seexan wayay dhawaqa PM-ka oo ka soo dhacay saldhiga Amisom ee Xarunta Xalane iyo Villa Somalia.

Duqeynta xalay ayaa ahayd habeenkii labaaad oo la gaarco saldhigayada Kooxdaasi wallow xalay si gaar ah loo garaacayay saldhigyada Muhiimka ah ee Alshabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Kooxdaasi iyo Ciidanka Amisom oo xalay beegsanayay fariisnada Kooxdaasi oo dhawaan sheegatay maasuuliyada qaraxyo ka dhacay Kampala.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: