Calendar

Wetangula “Ammaankeena waa adagyahay… Alshabaabna ku sugi mayno in ay….”

Moses M. WetangulaBartamaha (Nairobi):-Wasiirka ARimaha Dibada Wadanka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in aanay marnaba alshabaab uga baqanayn weerar ay ka geystaan gudha dalka.

Moses  Wetangula oo ka hadlayay qaraxyadii dhawaan ka dhacay Magaalada Kampala ayaa sheegay in aanay marnaba dowladiisa ka baqanaynin qarax ay shabaabka ka sameeyaan gudaha dalkan Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Kenya wetangula waxa uu intaasi ku daray in amanaka dalka uu yahay mid wanaagsan islamarkaana ay la socan doonaan dhaqdhaqaaqa dhammaan xadka ay dalka Soomaaliya  la wadaagaan.

“Ammaankeena waa adagyahay mana aha mid ay ku soo dhiran karaan kooxahaasi anaga  Alshabaabna ku sugi mayno in ay noogu yimaadaan dalkeena oo na weeraraan ama na qarxiyaan….” Ayuu yiri wasiirka arimaha dibada.

Moses  Wetangula waxa uu wacad ku maray in ay iska difaacayaan dhammaan qorshe waliba oo ay damcaan kooxdaasi shabaab in ay ka sameeyaan gudaha dalka Kenya.

Wasiirka aya hadalkiisa imaanaya xilli ay soo baxayaan digniino ka imaanaya beesha caalamka kuwaasi oo ku wajahan adkaynta ammaanka wadamada dhaca qaarada afrika.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Nairobi –Kenya.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: