Shabaab oo la wareegtay Garoonkii No.50.

Posted on Oct 13 2010 - 11:55am by News Desk
Tweet
Pin It

garonka diyaradahaBartamaha (Sh/Hoose):- Kooxda Alshabaab ayaa la wareegtay gacan ku haynta garoonka Diyaaradaha Ee NO.50 Ee Gobolkaasi Sh/Hoose.

Kooxda Shabaab ayaa awood kula wareegtay Garoonka Diyaaradaha Ee No.50 oo ku yaala Gobolkaasi Sh/Hoose ka dib markii ay hubka ka dhigeen dhamaan Ciidankii garoonkaasi haystay oo ahaa kuwa ka madax banaan shabaabka.

Maleeshiyada shabaabka ayaa waxa ay qabsadeen Garonka Diyaaradaha iyagoo ka saaray guud ahaan Ciidankii ku sugnaa dagaal la’aan oo ay Hubka uga dhigeen goobta ay joogeen ka dibna ay amreen in loo madax baneeyo awooda garoonkaasi.

Ciidanka Garoonka haystay ayaa waxa ay hoostagayeen Ganacsade Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo ahaa Xildhibaan Dowlada ka mida horayna si toos ah u ahaa Ganacsade caan ah oo Gobolkaasi garoonka ka maamulayay.

Garoonka No/50 ayaa waxa uu shaqeynayay muddo dhowr sano ah ka dib burburkii Dowladii dhexe Ee Soomaaliya ayaa si toos ah uu ahaa mid u samaynayay dhaqdhaqaaq shaqo maadaama ninkaasi ganacsadaha ahaa uu isku xilqaamay shaqada garoonka.

Garoonka No.50 oo dhawaanahan uu ka soo dagi jiray Qaadka ayaa waxaa guud ahaan Shabaabka ay maamulka guud ay la wareegeen waxaana taasi ay sabab ka dhigtay in maanta aanay wax diyaarad qaad wada ku soo dagan garoonkaasi.

Dhammaan diyaaradihii qaadka keeni lahaa garoonka ayaa ka warhelay amarka shabaabka iyo joojinta duulimaadka diyaaradaha Qaadka taasi oo keentay in maanta dhammaan Koonfurta Soomaaliya laga waayo Qaad.

Wixii faahfaahin la xiriira ujeedada shabaabka kala soco www.Bartamaha.Com.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].