Calendar

Shil qasaara sababay oo ka dhacay Wadada xiriirisa Boosaaso iyo Garoowe.

shiiiiBartamaha (boosaaso):- Shil qasaara badan sababay ayaa ka dhacay wadada xiriirisa Magaalooyinka Boosaaso Iyo Garoowe Ee Deegaanada Dowlada goboleedka Puntland.

Shilka ayaa yimid markii uu wadada ka baxay gaari nuuca loo yaqaano Waaradka kaasi oo ka baxay Garoowe kuna wajahnaa Magaalada ganacsiga Puntland Ee Boosaaso.

Shilka oo ka dhacay deegaanka Waaciye ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 5-Qof oo uu ku jiro darawalkii gaariga shilka galay halka 4-kalana dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Dadka deegaanka Waaciye oo gurmad siiyay rakaabka shilka galay ayaa la sheegay in ay Aaseen 5-tii qof eek u dhimatay shilka ka dhacay Deegaankaasi markii gaariga uu la rogmaday.

Dhaawacyada dadka ay soo gaareen ayaa la xaqiijiyay in loola cararay Isbitalaka guud ee Magaalada Garoowe halkaasi oo haatan lagu dabiibayo sida ay sheegayaan dadka deegaanka shilka ka dhacay.

Shilalka gawaarida ee ka dhacay deegaanada Puntland ayaa loo sababeeyaa Xirfada darawalada iyo wadooyinka oo Burbura xiliga ay da’aan roobabka taasi oo inta badan gawaarida marka ay grogmadaan qasaara sababto.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-

.

.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: