Calendar

Wasiiro ka tirsan Dowlada oo lagu soo dhaweeyay Lonodon (Daawo Sawirada).

SDC14297ABartamaha (London):- Wasiiro ka tirsan Xukumada Soomaaliya ayaa Munaasabad balaaran loogu sameeyay Magaalada Lodon.

Waxaa lagu qabtey magaalada London xaflad lagu soo dhaweynayay wasiiro ka tirsan dowlada Soomaaliya oo booqasho ku yimid magaalada London, kuwasoo kale ahaa Wasiirka horumarinta reer miyiga mudane Maxamed Cabdi Yusuf, Wasiirka warfaafinta mudane Eng.Cabdiraxmaan Yariisoow iyo Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Ibraahim Xabeeb

Xafladatan oo ay ka soo qayb galeen xubno matalayay jaaliyada Soomaaliyeed  ee degan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada London, waxaa xafladatan qiimaha badan looga dhageystey warbixino madaxda ka tirsan xukumada iyo baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ka warbixciyay xaalada dalka ku sugan yahay, kadibna waxaa kale ka hadlay odayaasha , haweenka iyo dhalinyarada magaalada oo ku hadlayay magaca jaaliyada Soomaaliyeed, kuwasoo ka soo jeediyay hadalo dhaxal gal ah oo isugu jirey soo dhaweyn, talo bixin iyo gubaabin.

Xafladatan waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska isku xirka dowlada Soomaaliya iyo qurbajoogta Gudoomiye C/qaadir Aden Cali ‘’Dhuub iyo afhayeenka xafiiska mudane Cabdi Cumar ,kuwaasoo hadalo kooban ka jeediyay furitaanka islamarkaana sheegay ujeedada ay u qabteen kulankaan balaaran, waxay u mahadceliyeen ka soo qayb galayaashii xaflada iyo madaxda soo gaartey magaalada London.

Xaflada waxay ku soo dhamaatey guul iyo farxad, dadkii ka soo qayb galeyna ay aad ula dhacsanaayeen hadalada qiimaha badan ay ka jeediyeen masuuliyiinta xaflada ka Hadley, kuwasoo dadka Soomaaliyeed uga baaqay inaysan aqbalin kooxaha calamada beenta ah aaminsan ee doonaya inay dalka Soomaaliya sii kale jarjaraan islamarkaana qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed kale weyn tahay mooro beleedyada iyo u adeegida shisheeyaha.

Daawo Sawirada:-

SDC14285A

SDC14276A

SDC14278A

SDC14273A

W/D: Yusuf Yusuf, waxaana sawira gacan iga siiyay mahadi ha ka gaartee Danjire Mohamed Axmed Caalin

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta, Xafladaha - EVENTS.
« »

Comment: