Sidee ururadda ay ugu kala guuleysteen doorashada deegaanka Hargeysa

Posted on Dec 6 2012 - 7:12pm by Editor
Tweet
Pin It

Guddiga doorashada ayaa soo bandhigey sida loogu kala guuleystey deegaanadda ay ka kooban tahay magalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Shir jaraa’id uu ku qabtey magalada Hargeysa ayuu gudoomiyaha gudiga doorashada Somaliland Saciid Xamari waxa uu ku soo bandhigey sida ay uruurada iyo axsaabta siyaasadda ay ugu kala guuleysteen golaha deegaanka Hargeysa.

Guud ahaan gurasta deegaanka ee magalada Hargeysa ayaa ka kooban 25-kursi iyadoona ay ku tartamayeen 7 urur siyasadeed. Waxana ay u kala heleen sidan tan.

  • KULMIYE waxa uu helay 7 Kursi
  • WADDANI, waxa uu helay 4 kursi.
  • XAQSOOR, waxa uu helay 4 kursi
  • UCID, waxa uu helay 4 kursi
  • UMMADDA waxa uu helay 3 kursi.
  • DALSAN waxa uu helay 2 kursi
  • RAYS, waxa uu helay 1 kursi.

Doorashadan ayaa sidoo kale ah waxa ay tahay mid kala saaraysa xisbiyadda Siyaasadda kuwaas oo had aka kooban 7 urur waxa laga rabaa in la helo 3-xisbi oo u tartanta doorashada madaxtinimada, jiri doontanee 10-ka sano ee soo socoto.