read more »">
Calendar

Tababar loo soo xeray 1000-Askari oo Muqdisho ku wajahan

1292440197zuluBartamaha (Kampala):- Dowlada KMG ah iyo Ugandha ayaa si wada jir ah tababar ugu soo xeray Ciidan muddo ku xaraysnaa xero tababar.

Ciidan gaaraya 1000-Askario ayaa tababar loogu soo afmeeray gudaha Magaalada Kampala Ee Dalka Ugandha ka gadaal markii laga soo qaaday xero Militari oo ay muddo ku xaraysnaayeen duleedka Caasimada dalkaasi Ee Kampala.

Tababarka loo soo xeray 1000-ka Askari ayaa waxaa Munasabadii lagu xerayay ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudne Fiqi oo hadal u jeediyay Ciidanka tababarka soo idlaystay.

Ciidankan tababarka qaatay ayaa waxa ay ku sugnaayeen Ugandha muddo 3-Bil ah oo ay baranayeen qaababka Howlgalka ammaan dhalinta iyo caawinta Ciidanka Nabad Ilaalinta Ee Amisom.

Masuulkan Dowlada uga wakiilka ahaa xerida Tababarkia ayaa Ciidankan ka dalbaday in ay qaranka difaacaan oo ay nabada ku soo celiyaan dalka waxaana uu salaan sharaf ka qaatay askartii tababarka dhamaysatay.

Ciidankan gaaraya 1000 Askari ayaanan la ogayn halka ay ka howl bilaabi doonaan xilli Kumanaan askari oo Muqdisho la geeyay aanan meel lagu ogayn halkii ay jaan iyo cirib dhigeen xilli dowlada awood la’aan ay haysato.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: