Calendar

Farshaxanka Amiin Caamir iyo Fadeexadda Bar-kulan

WariyeCartoonistaha caanka ah ee Amin Caamir ayaa boggiisa aminarts.com kusoo bandhigay sawir gacmeed muujinaya tacadiga iyo Musuqmaasuqa lagula kacay Wariye Cabdiqafaar Shire oo idaacadda Bar-kulan muddo sanada ka sahqeynayay.

Wariyaha oo ah nin saxaafadda muddo kusoo jiray ayaa Bar-kulan u qaabilsanaa dhinaca Websiteka iyo sidoo kale soo saaraha Barnaamij lagu magacaabo Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda.

Sida uu wariyuhu shir saxaafadeed uu qabtay 13kii bishan December oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in 90% agabka dhismaha Soomaaliga ah ee Bar-kulan uu isagu lahaa oo uu turjumay inakstoo fikrada dhismaha guud ah uu lahaa Injineer idaacadda loogu soo kireeyay inuu ka dhiso dhinaca onlineka.

Barnaamijka Soomaalida iyo Tiknoolajiyadda

Waxa uu barnaamijku noqday mid kamida kuwa idaacadda loogu jecel yahay waxa uuna gabigiissba ka hadli jiray wararka iyo dhacdooyinka Tiknoolajiyadda, gaar ahaana kuwa casriga ah iyadoo uu Cabdiqafaar noqdya wariyihii ugu horreyay ee fagaaraha Tiknoolajiyadda kusoo kordhiya warbaahinta ku hadasaha afka Soomaaliga.

Barnaamijkiisa oo todobaadle ahaa ayaa waxa inta badan ku taxnaa dhageystayaal farabadan oo marka laga tago Raadiyaha Bar-kulan ka dahgeysan jiray Barta uu wariyahani ku leeyahay  Bogga isku xira dadweynaha ee Facebook oo halkani kulahaa Cabdiqafaar Shire.

Waxa uu inta badani wariyuhu abaari jiray waxyaabaha cilmiga u kordhin kara da’ayarta amaba dhalinyarada waxayna taasi dhalisay in barta uu wariyuhu Facebook ku lahaa ay taageero badato idaacadda uu u shaqeynayay ee Bar-kulan.

Maahan kaliya Aamin Caamir waxa ka dhiidhiyay amaba ka hadlay dhibaatada Bar-kulan ee sidoo kale waxaa iyana maalmahn oo idil hadal hayay warbaahinta afka Soomaaliga ku hadasha amaba wax ku qorta.

Dawladda Federaalka Kumeelgaar ah ee Soomaaliya ayaana ilaa iyo hadda waxba ka oran dhibaatada kasoo yeertay idaacadda Bar-kulan iyo sidoo kale tacadiga lagula kacay Wariye Cabdiqafaar Shire.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Aamiin Caamir

Xigasho: Raxanreeb

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: