Tartanka Koobka Somaliweek oo si rasmi ah uga furmey Waqooyiga magaalada London.

Posted on Jul 24 2010 - 12:00pm by News Desk
Tweet
Pin It

soamli wekkBartamaha (Nairobi):- Garoon diyaaradaha New river oo ku yaal duleedka White hart lane ee xaafada Totenham ayaa si rasmi ah waxaa uga furmay koobka Somaliweek oo ay sanadkaan ku baratamayaan 16 kooxood oo xul ah.

Kooxahan tarmata ayaa waxa ay ka kala yimaadeen Wadamada kala duwan Ee Urun iyo Dalka Egland oo lagu qabanayo tartanka Somalia week.

Tartanka Furitaankiisii ayaa waxa ugu horeyntii halkaasi lagu soo bandhigey bandhig  farshaxan loogu talagaley caruurta Soomaaliyeed ee degan Magaalada London kuwasoo wajiyadooda ka muuqatey  farxad iyo reyn reyn.

Maamulka Somaliweek sida Buwe,Mohamed Ali,Abdi Ahmed  iyo Gudoomiyahooda Xuseen Deeq ayaa goobta xaflada furitaanka hadal ka jeedinayay.

Mudane Ahmed Abdi Dahir ayaa  micrafoonka ka sheegay inuu si rasmi ah u furey koobka kubadda cagta Somaliweek 2010.

Koobkan waxaa ka soo qayb galey  odayaasha isboortiga magaalada London sida Danjire Caalim, Isoomareey, Qareen Xuseen Diriye , Laas, Adame, Cunaaye  iyo ciyaartooydii hore  ee dalka Soomaaliya kuwooda kubadda cagta iyo kubadda koleyga  sida Xaawo Taako, Bakiin, Osman Shiis, Baana Ali, Faarah Odey (Jeenyo), Macalin John, Biyooley,Hassan shiino,Ali mire, Dahir gacamey, Xuseen Abati Abanur, Muftin,Hassan Dhuudhi,007,Abdiqani Jeenyo,Hassan Hussein, marti sharaf kale ah, Xildhibaan C/qaadir Shido, Osman Cargo, Yasin Bulsho, Masuul Sare, iyo  agaasimaha ururka Hirda Holland Fadumo Farah iyo dhamaan dhalinyarada North London oo u hogaaminayay mudane Dhumaaye

Kooxaha Manchester Vs Harrow

Ciyaartii ugu horeysay waxay dhaxmartey kooxaha kale ah Manchester iyo Harrow oo run ahaantii dadka dhami ay wada sugayeen ciyaarta ku dhaxmareysay furitaanka Somaliweek 2010.

Dadwayne aad u farabadan ayaa ka soo qeyb galay daawashada cayaarahaan oo kale taageerayay labada kooxood, kuwaasoo sacab iyo qeylo la daba taagnaa dhalinyarada.

Kooxda Manchester ayaa ku bilaawdey dardar iyo firfircooni dheeri ah halka kooxda Harrow  aad moodo inaysan ku soo talagalin awooda kooxda gobalka ka timid .

4 Goal  iyo 1 Goal  ayay ku soo dhawaatey   ciyaarta  , guushiina waxay ku raacdey kooxda Manchester, goolashana waxaa 3 goal u dhaliyay  kooxda Man City ciyaaryahanka Ibrahim Mohamed  iyo halka goalna Omaar Messi, halka kooxda Harrow-na u dhaliyay  goalka  ciyaaryahanka Yasiin.

Koobka Somaliweek ayaa la filayaa inuu socda ilaa 7 July 2010 , hadii Allah idmo barnaamijyada cayaaraha wixii ka soo kordha waa  idinla soo socodsiin doonaa.

W/D:Yusuf Yusuf

Sports editor of  SSPAMEDIA

[email protected]

London