Calendar

XOG: Xildhibaannadii mooshinka ka keenay ra’iisul wasaaraha oo Nairobi looga yeeray

| Xafiiska Warqabadka Bartamaha Muqdisho |

Hassan Sheikh & Abdiweli - www.Bartamaha.com

Muqdisho (BARTAMAHA) Warar hoose oo ay helayso Raxanreeb ayaa xaqiijinaya in si dhaqso ah loogu yeeray xubno ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka dowladda Soomaaliya ee hor-socday mooshinka ra’iisul wasaaraha.

Mooshin laga keeno xukuumadda beesha caalamka ayaa u aragta inay caqabad ku tahay horu-socodka iyo hiigsiga sannadka 2016 oo ah xilliga la doonayo Soomaaliya markii ugu horreeysay inay ka dhacdo doorasho shacabku ay wax doortan.

Xildhibaannada hadda looga yeeray Nairobi waxaa la sheegay inay halka isku arki doonan beesha caalamka oo la sheegay inay kala hadli doonto sidii ay ujoojin lahaayeen mooshinka xilligaan ay ka wadaan xukuumadda uu hoggaamiyo Cabdiweli Sheekh Axmed.

Illo muhiim ah oo ku sugan Nairobi iyo madaxtooyada Soomaaliya ayaa Raxanreeb u sheegay qorshahaan in beesha caalamka ku doonayaan sidii loo qaboojin lahaa xisaada siyaasaded ee ka jira dalka.

“Mida an ku sheegi karo waxaa ay tahay xildhibaannada wadda mooshin in Nairobi looga yeeray oo ay halka kula shiri doonan xubno beesha caalamka ka socda,waxaa la doonayo mooshinka in la joojiyo,”sida waxaa u sheegay Raxanreeb sarkaal ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya kaas oo caddeeyay in loo sheegay xildhibaannada waqtigan inaysan haboonen mooshinka ay wadaan.

Ma jirto wali wax hadal ah oo ka soo baxay xildhibaannada loo yeeray iyo xubnaha beesha caalamka ee Nairobi ugu yeeray,balse maalmo ka hor fadhi ay yeeshen xildhibaannada ee looga doodi lahaa mooshin ka dhan ah ra’iisalwasaahara ayaa buuq ku dhamaaday.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa aad ugu kala qeybsan Mooshinka,arrintan ayaa salka ku haysa khilaaf dhawaan soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Deeq-bixiyayaasha iyo bulshada caalamka ayaa ka digay in tani ay Soomaaliya ku hogaamin karto oo kaliya qalalaase iyo daganaansho la’aan siyaasadeed oo hor leh.

Mareykanka ayaa durbadiiba qaaddacay shir heer sare ah oo ay ka qeybgali doonaan madaxda Soomaaliya iyo beesha caalamka oo lagu wado in todobaadka soo socda uu ka dhaco magaalada Copenhagen, ee dalka Denmark.

“Waqti lagu gaari lahaa ujeedooyiinka iyo hiigsiga istiraatiijiyadda 2016-ka, oo ay ka mid tahay in la qabto doorashooyiin. Sidaa darted waxaa dhinacyada Soomaaliya oo dhan ku boorineynaa inay xalliyaan khilaafka iyagoo u maraya hannaan siyaasadeed, sida in la xushmeyo hubka baarlamaanka, lagana wada shaqeeyo danaha Soomaaliya”. Sida waxaa lugu jiri war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Britain oo dhankeeda sheegtay inay ka walwalsan tahay khilafka madaxda.

Khilafka madaxda sare ee dowladda oo an wali xal laga gaarin ayaa xildhibaanno taageersan madaxweynaha waxaa ay doonayan in khilafka ay ku dhammaayen xukuumadda Cabdiweli Sheekh si meesha laga saaro,sida horay u dhacday oo xildhibaanno taageersan madaxweynaha ay u rideen xukuumaddii uu hoggaamin jiray Cabdi Faarax Saacid.

Muqdisho waxaa wali ka socda shirar kala gadisan oo ay leeyihiin madaxda dowladda iyo xildhibaannada labada garab ah,guddoonka sare ee baarlamaanka ayaa dhowr mar shaaciyay inay dadaal ugu jiraan sidii ay usoo gaba-gabeeyn lahaayeen khilafka jira.

“Xildhibaannada inay wax saxaan uma socdaan balse qorsha ay leeyihiin waa sidii ay ku ridi lahaayeen xukuumadda Cabdiweli Sheekh,waana sharci darro,”sida waxaa yiri Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka soo horjeeda.

Waxaa jira ilaa saddex kulan oo ay qaaten madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha,balse waxaa la sheegay inaysan ka soo bixin wax natiijo ah oo ay labada dhinacba ku adkeysteen go’aanadooda.

Marka uu yimaado khilafka madaxda dowladda waxaa noqdo kuwo adeegayaal ah xildhibaannada Soomaaliya,waxaana la sheega qofka guuleystay inuu yahay mid ay ka baxday lacag badan oo u ku riday kan kale.

“Xildhibaannadu waa adeegayaal lacag ku qaatay codkooda,taasna waa sharci darro,haddii ad aragti labada mas’uul ee is haya mid kood oo ku guuleystay codka xildhibaannada waa kan ay lacagta badan ka baxday,”ayuu yiri xildhibaan ka tirsan baarlamaanka oo magaciisa ka gaabsaday markii uu la hadlayay Raxanreeb.

Ugu dambeyn,arrinta laga war dhowrayo ayaa ah kulamada la filayo inay Nairobi ku qaatay beesha caalamka iyo xildhibaanada mooshoonka ka wadda xukuumadda,Cabdiweli Sheekh.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: