Banaanbax cara Xambaarsan oo ka dhacay Ceelasha Biyaha(Daawo Sawirada ).

Posted on Sep 14 2010 - 8:33am by News Desk
Tweet
Pin It

DSC04011Bartamaha (Muqdisho):- Sida warar naga soo gaaray Deegaanada Duleedka Muqdisho ay sheegayaan waxaa maanta halkaasi ka dhacay banaanbax ay dhigayaan dadweyne caraysan oo ka soo horjeeda Gubida Kutubka Qur’aanka Kariimka.

Dadweyne caraysan ayaa isugu soo baxay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasi oo ay ka dhigayaan banaanbax cara Xambaarsan oo lagu gubayo calamada qaar ka mida wadamada reer Galbeedka.

Wariye Madax banaan oo ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in banaanbaxa uu yahay mid balaaran waxaana uu ka socanayay wadada u dhexeysa Muqdisho illaa Afgooye oo ardayda iyo dadka deegaanka ay isugu soo bexeen.

Xoogaga Islaamiyiinta qaarkood ayaa banaanbaxca ka qeyb ah waxaana illaa haatan la gubay Calamada Wadamada Maraykanka iyo Qaramada Midoobe oo si gaar ah ay dadka caraysan u gubayaan.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen Allahu Akbar iyo Maraykanka ha dhaco iyo erayo kale sida ay wararka nagu soo gaareen iyadoo dad badan ay Kutubka Qur’aanka kor u qaadayeen.

Dadka banaanbaxayay ayaa qaarkood waxa ay gubeen Calanka Maraykanka iyo kan UN-ka sida qof goob joog ah uu noo sheegay iyadoo Muuqaalada ardayda laga dheecanayay sida ay uga caraysanaayeen Kutubka Qur’aanka ee la gubay.

Daawo Sawirada:-

DSC03997

DSC04006

DSC03986

DSC04007

DSC03979

DSC03980

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].