War-Saxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada – Muqdisho

Posted on Oct 20 2011 - 4:39pm by News Desk
Tweet
Pin It

(Muqdisho, 20 October 2011) Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa, xaaladda nabadgelyo ee dalka iyo barnaamijka nabad iyo cunno “food for Peace”, waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka.


Raiisal Wasaaraha ayaa ugu horreyntii sharaxay siyaasadda guud ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo ahmiyadda ay leedahay inla helo hay’ad  madax bannaan oo u xilsaaran la dagaalanka musuqmaasuqa, si loo xoojiyo maamul wanaagga hayadaha dawladda loogana hortago xadgudubyada ka dhaca xafiisyada dawladda. Golaha ayaa isla qaatay in loo baahan yahay hay’ad awood buuxda leh waxeyna u xil saareen guddi kasoo tala bixiya, golahana kusoo celiya si uu u ansixiyo baarlamaankana ugu diro sida ugu dhaqsiyaha badan.


Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga amniga ee wasiirada oo ka warbixiyay xaaladaha amni ee degmooyinka lala wareegay sida Heliwaa iyo yaaqshiid iyo cabashooyinka dadweynaha kusoo laabtay xaafadahaas, wasiirka arrimaha gudaha mudane Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka jawaabayay su’aala la weydiiyay ayaa sheegay in ciidamada bilayska degmooyinka la xoreeyay qaarna la geeyay kuwa kalena sida ugu dhaqsiyaha badan uu u geyn doono ciidan.


Golaha Wasiirada ayaa isla qaatay in wacyigelin joogta ah loo sameeyo dadka si ay oga taxadaraan falalka argagaxisada ee bulshada ku dhibaateynayaan iyo inla xoojiyo amniga check pointyada magaalada laga soo galo iyo kuwa kale oo magaalada dhexdeeda ah laga sameeyo.

Waxaa sidoo kale warbixin faahfaahsan laga dhageystay Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka mudane. Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo meesha ka sheegay waxqabadkii bisha September ee hayadda iyo qodobo kale oo ku saabsan maamulka xerada badbaado, maamulka xeryaha barakacayaasha, isku dubba ridka howlaha gargaarka iyo gaarsiinta gargaarka ee dadka tabaaleysan ee kala jooga gobolada kala duwan ee dalka.


Gudoomiyaha hayadda maareynta masiibooyinka ayaa golaha ugu warbixiyay ilaa iyo hadda inay maamuleen raashin dhan 14,000 oo metric ton oo ka soo gaarey dhanka dowladda, lana gaarsiiyey ilaa iyo 9 gobol oo kala duwan oo dalka ah, sida ugu dhaqsiyaha badan, musuqmaasuq la’aan ay gaarsiiyeen meelihii loogu tala galay, wuxuu sidoo kale gudoomiyaha sheegay in hayaddu hadda leedahay awood gaarsiin oo dhan 40,000 metric tone sida ugu dhaqsiyaha badan inay ku qeybin karto.


Golaha Wasiirada ayaa isla markaas waxey ansixyeen qeexidda shaqada (ToR) Hayadda Maareynta Masiibooyinka waxeyna ku qeexeen sidatan:

1. Hirgelinta siyaasadda qaranka ee maareynta masiibooyinka

2. Diyaarinta qorshaha maareynta masiibooyinka ee xilliga dhow, dhexe iyo kan fog  iyadoo lala tashanayo heydaha qaranka, maamullada gobollada iyo degmooyinka

3. Guddoomidda, keydinta iyo qorsheynta gargaarka ka imanaya gudaha iyo dibadda dalka si looga jawaabo noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

4. Isku-dubbaridka howlaha gurmadka ee heyadaha dowladda, kuwa caalamiga ah, ururrada waddaniga ah, qurbajoogta iyo  ganacsatada si ay jawaab waxtar leh  uga bixiyaan xaaladaha khatarta leh

5. Kor u qaadista waxbarashada guud iyo wacyiga dadweynaha ee ku saabsan maareynta masiibooyinka, iyo dhismaha kartida waxqabad ee dhammaan heyadaha iyo dadka la tacaalaya masiibooyinka

6. Diyaarin keyd qaran  oo suurtagelin karta in la ogaado lagana hortago masiibada.

7. Qabashada howlaha kale ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha u xilsaaro inay qabato hayadda maareynta masiibooyinka

Golaha ayaa waxa uu codsaday in qeexidda shaqada hayadda maareynta masiibooyinka la horgeeyo barlamaanka si ay u ansixiyaan una sharciyeeyaan.

Ugu danbeyntii, golaha ayaa warbixin ka dhageystay wasiiru Dowlaha Maaliyadda oo ka warbixiyay Barnaamijka cunto nabad ku badalasho “food for Peace” oo dalka lagu soo gelinayo ilaa 60,000 oo metric tone oo galley ah si hoos loogu dhigo ascaarta masagada si ay dadka tabaaleysan ay awood ay ku gataan u yeeshaan.