Calendar

WARBIXIN:- Hargeysa oo dagan iyo cabashada ururka Xaqsoor oo la eegayo

Xaaladda magalada Hargeysa ayaa dagan kadib qalalaaso baahsan oo ka  dhacay markii dad caraysay ay banaanbaxyo rabshado wato.

Wasiirka arimaha gudaha Maxameed nuur Caraale ayaa sheegay iney ka qaadeen askarta meelihii ay qalalaasaha ka dhacay, iminka amniga uu sugan yahay.

Dadka banaanbaxyadda sameynayay ayaa waxa ay ahaayeen taagayaasha urur Xaqsoor oo doorashada deegaanka Hargeysa oo ka helayn Hal kursi, iyagoo sheegaya in la sameyay musuqq-maasuq, codkane la xaday.

Xukuumadda Somaliland ayaa xaqiijisay ilaa hada iney jirto 3-qofood oo dhimasho ah halka ay 7-qofoodna ayku dhaawacmeen qalalasihii habeen hore ilaa Shalayto ka dhacayay magalada Hargeysa.

Maxamed Nuur Caraale ayaa xusay iney bilawdeen wada haadalo, waxana uu xusay iney dhageysanayaan cabashada ururka Xaqsoor, ayna wax ka qaban doonaan.

Rabshadaha ayaa bilabmeen markii lagu dhawaaqay hordhaca doorashada deegaanka Hargeysa, markaas oo taagerayaasha ururka Xaqsoor ay iskugu soo baxeen xaafadda Axmed Dhagax ee koofur Galbeed magalada Hargeysa.

Gudoomiyaha ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac oo hadlay waxa u ku baaqay in la ilaliyo xasiloonida, isagoona xusay iney sharciga la beegsan doonan cabashada ay qabaan ee in codkooda la  dhinac mariyey.

Waxgaradka, salaadiinta iyo hogaamiyasha bulshada ayaa  ku baaqay in nabadda laga shaqeyo, iyagoo xukuumadda Somaliland ugu baaqay iney ka waantodo wax kasta oo qalqal ku abuuri kara bulshada.

Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal ayaa tacsi u direy dadkii ku waxyeelobay qalalaasaha  uu sheegay in la baari doono, waxana uu ku baaqay in wax oo shacabka qabaan iney u maraan si sharci ah.

Cabdullaahi ayaa sheegay in dadka reer Somaliland in looga bartey wax walba oo khilaaf ah ay ku dhameyaan si wada hadal iyo tanaasul ku dheehan, ayna caado u leehyihiin in nabadoda ay ilaashadaan.

Guddiga doroshada oo ah cidda ay eeda badan ku dhacaysay ayaa la filayaa dhawaan ay soo saaraan natiijadda rasmiga  ee doorashada golaha deegaanka oo ka dhacday 21-deegaan ee Somaliland.

 

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: